HomeSomaliland oo loo samaynayo qorshe Hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ahi ku...

Somaliland oo loo samaynayo qorshe Hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ahi ku shaqeeyaan shanta sano ee soo socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaaanyo) ayaa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka furay shir ku saabsan qiimaynta qorshaha horumarinta dalka ee shanta sannadood ee soo socda, kaasoo ay raaci doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Ha’yadaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dhinaca horumarinta.

blankShirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa  soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, waxaana  ka qeybgalay Wasaaradaha, Ha’yadaha dawliga ah ee madaxa-bannaan iyo kuwa caalamiga ah. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay furitaankii shirkaas waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay qorshahan, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi: “Waxa farxad weyn ii ah inaan  maanta inoo furro xaflada shirkan ku saabsan qorshihii muddada dheer ee aanu u samaynay dalka Somaliland oo ah qorshe horumarineed oo shan sannadoodle ah in dalka qorshe loo dhigaa waa wax  caadi ah, waa wax dalal badani sameeyaan, dalkeenu hore wuu u samayn jiray anigaaba  markii aan Wasaaradda Qorsheynta joogay samayn jiray qorsheyaasha shanta sannadood ah. Waxay dalka iyo dadka siinayaan  jihayn halka aynu ku socono iyo hababka aynu u marayno ayay waddo cad oo aynu u marno u jeexayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qorshani uu sawir ka siinayo beesha caalamka jihada ay Somaliland u socoto.“Midda labaad dunida aynu ku xidhannahay ee qaadhaan-bixiyeyaashu ka midka yihiin ama kuwa doonaya inay dalkeena maalgashadaan ayay fikir ka siinaysaa  jidka aynu marayno. Maalin walba dunidu way inoo timaadaa, caalamka waynu u tagnaa waxbaynu waydiisanaa waxay ku odhanayaan maxaanu idiin qabanaa? Haddii waxaad doonaysaa aanay kuu caddayn oo aanu qorshe kuu oolin kolba wax baad ka tagaysaa. Laakiin markay haystaan qorshe muddo dheer ah oo muujinaya dalku jihada uu u socdo iyaguna (qaadhaan-bixiyeyaashu) waxay ku xisaabtamaan oo ay ku tallogalaan ayay haystaan. Qorshahani dalka gudahiisa iyo caalamka inala dhaqmayaba aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay.” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

“Waxa lagama maarmaan ah qorsheyaasha  in siday u kala mudan yihiin loo kala horreysiiyo, waxa lagama maarmaan ah marka dawladu ay samaynayso miisaaniyad sannadeedkeeda sanad walba inay ku tallo-gasho qeyb ka mid ah horumarinta. arrimaha la xidhiidha horumarinta waa in qorshe hagaa jiraa oo lagu tilmaan qaadan karaa, haddii la gelinayo waxbarashada, beeraha, Xoolaha, ceelasha  iyo waddooyinkaba waa inay mudnaantu  ka muuqataa wixii la gelinayo. Sidaas daraadeed dadka iyaguna maalgashanaya dalka haddii ay Soomaali yihiin iyo haddii ay ajinabi yihiinba waa inay qorsheyaashaasi raacaan,” ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu tilmaamay inay Xukuumad ahaan fulin doonaan qorshahan waxaanu yidhi. “Qorshahan shanta sanno ah aad iyo aad ayaan idiinku boorinayaa inaynu kuligeen ku wada shaqayn doono, anaguna dawlad ahaan waanu ku tallogalaynaa inaanu qeybta nagaga beegan ka fulino.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu ku amaanay Wasiirka Qorshaynta samaynta qorshe hawleedkan. “Waxaan maanta anigu hambalyo aad ah u soo jeedinayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo shaqaalihiisa, waxaanan ku hambalyaynayaa inay soo celiyeen tubtii qorshaha dawlada ee shanta sannadood ah, qorshahaas shanta sanno ah oo had iyo jeer ah dariiqa cad ee aynu u marayno horumarinteena,” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu sheegay in dhaqaalaha ina soo gala intiisa badan loo leexiyo dhinaca nabadgelyada waxaanu yidhi. “Inagu wakhtigan aynu joogno waynu ognahay mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka taagan  dhibaatooyin faro badan oo xaga Nabadgelyada ah maaha horumarinta oo qudha waxa laga hadlayaa waxa weeye khayraadka ina soo gala wax badan waxaynu u baahanahay inaynu  siino ama u leexino xaga nabadgelyada oo aad iyo aad muhiimu ah oo aynu ognahay in colaad faro badani inagu furan tahay, sida budhcad-baddeedda iyo Argagixisada inala dagaalamaysa iyo qaar doonaya inay ina dhibaan , qaar doonaya inay nabadgelyadeena khalkhaliyaan iyo qaar doonaya inaanu dadkeena iyo dalkeenu aanu xasilin, laakiin waxaan ku kalsoon nahay Illaaghay-na ka baryayaa in dadkeenu sidii awalba ay iskugu xidhnaan jireen ay iskugu xidhnaan doonaan oo dalkoodana ay daafici doonaan, nabadgelyadiisana daafici doono oo ilaalin doono horumarkiisa,  isku xidhkiisa iyo wada shaqayntiisa taasna aynu ka soo bixi doono.” Ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Sidoo kale, waxa xafladaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta qaranka Sacad  Cali Shire, waxaanu tilmaamay inay dedaal weyn u galeen sidii ay dawlada Somaliland u samayn lahayd qorshe hawleed shan sannadood ah oo laga duulo. Wasiirku waxa uu tilmaamay in qorshahani sal u noqon doono maareynta mashaariicda horumarinta dalka taasoo ku salaysan baahida dalka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories