HomeSomaliland oo lala xidhiidhiyey kaalin ay ku leedahay dagaalka ka socda Yemen...

Somaliland oo lala xidhiidhiyey kaalin ay ku leedahay dagaalka ka socda Yemen iyo Qorshaha iskaashi dhexmaray Sucuudiga iyo Israa’iil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Moscow(SLpost)- Khabiir ka faallooaad Siyaasadda Caalamka oo lagu magacaabo Mr. Thierry Meyssan, ayaa sheegay in iskaashi dhexmaray Sacuudiga iyo Yuhuudu ka dambeeyo hawlgaladda ciidamada huwantu ka wadaan dalka Yemen, isla markaana Somaliland qeyb ka tahay.

Mr. Meyssan oo ah khabiir la faalooda siyaasadaha caalamka ayaa wareysi uu la yeeshay wargeyska Geopolitika ee ka soo baxa dalka Ruushka ku sheegay in qaar ka mid ah khubarada hawlgalka ciidamada Carabta ee dagaalka ka wada dalka Yemen ku sugan yihiin gudaha Somaliland.

Wareysi dhinacyo badan oo wargeyska Geopolitika la yeeshay Mr. Meyssen oo lagu weydiiyey iskaashi uu sheegay inuu dhexmaray dalalka Sucuudiga iyo Yuhuudda, waxa uu ku saabsan yahay iyo halka danaha labadan waddan ee colaada weyni u dhexeyso ku kulmayaan, wuxuu ku jawaabay, “Yuhuudda iyo Sacuudigu xilligan ma aha kuwo colaadi u dhexeyso, balse iskaashi ciidan ayaa u dhexeeya oo ku aaddan weerarada dalka Yemen. Khubarada hawlgalka iskaashiga waddamada Carabtu ma joogaan caasimada Sacuudiga ee Riyaad, balse waxay joogaan Hargeysa oo ah magaalo-madaxda Somaliland oo aan aqoonsiga ka haysan Adduunka.

Diyaaradaha duqeynta sameeya ee Sacuudiga duuliyeeshoodu waa Yuhuud, xitaa Yuhuudu waxay siiyeen hub inbadan oo shacabka Yemen ku dhinteen, halka beesha caalamku iska dhega-tirayso dhibaatadooda,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray oo yidhi, “Qorshaha amaanka ee Madaweyne Obama, ku saabsan Yuhuuda, markuu bilaabo ka saarida ciidamadiisa barriga dhexe una wareejiyo Aasiyada fog, waxuu xaqiijinayaa in la helo ciidamo wadajir Carab ahoo Jaamacada Carabtu hogaamiso, laakiin, hogaankoodu noqdo Yuhuud.”

“Iskaashiga dhexmaray Tele Aviv iyo Riyadh wuu sii waari doona ilaa qarniga soo socda, iyagoo dheefsanaya ceelasha saliida Rub ‘al Khali, ee ku yaal dalka Yemen iyo deegaamada Ogaadeen ee Itoobiya. Sidoo kale shirkada Bin Laden ayaa ka dhisi doonta biriij gacanka baabal Mandab oo isku xidha Jabuuti iyo Yemen,” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Haddaba In kasta oo khabiirkani ku dooday in saraakiisha hoggaamiya hawl-gallada Isbahaysiga Sucuudigu ka wadaan dalka Yemen, hadana ma jiraan warar xaqiijinaya inay Somaliland joogaan, xukuumadda Somaliland-na marna kama hadal arrintaas.

Xigasho Himilomedia

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories