HomeSomaliland oo lagu martiqaaday Shirka Wasiirrada Tamarta ee Afrika iyo Xog-warranka Qorsheyaasha...

Somaliland oo lagu martiqaaday Shirka Wasiirrada Tamarta ee Afrika iyo Xog-warranka Qorsheyaasha Eng Xuseen Cabdi Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Eng. Xuseen DucaaleJohannesburg (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa ka qeybgeli doonta markii koowaad kulanka wasiirada Tamarta ee dalalka Qaaradda Afrika oo la filyo inuu 03 ilaa 06 bisha February ku qabsoomo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo u warramay jariiradda Mining Weekly, ayaa ka hadlay faa’iidada Somaliland ugu jirta kulankaas iyo rejada ay ka filayaan ka qayb-galkiisa.

“Kulankanni waxa uu u saamaxayaa Somaliland fursad ay ku soo bandhigto qaniimada macdanta dalka, kuna soo jiidato maalgashedayaal caalamka ah,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo la hadlay Mining Weekly.

Wasiirka Macdanta ee dalka Koonfur Afrika Susan Shabangu, ayaa wasiirka Macdanta Somaliland ku marti-qaadday Shirkan xilli ay bishii Siddeedaad ee sannadkii hore ku sugnaayeen Shir caalami ah oo ku qabsoomay magaalada Perth ee dalka Ustareeliya oo ku kulmeen.

“Somaliland waxay ku soo dhaqmaysay nidaam dimoqraadi xasiloon 22 sannadood laga soo gudabay, waxaanay hiigsanaysaa horumar. Waxaan qaadanay siyaasad furan oo ku saabsan maalgashiga macdanta ee dalkayaga,” ayuu sheegay Ducaale, isagoo raaciyey, “inkastoo aanu ka jirin hawlo ganacsi macdaneed oo waaweyn, Somaliland waa dal dihin oo sugaya maalgashiga shirakadaha macdanta.”

Wasiirka Macdanta Somaliland ayaa tilmaamay in dalkiisu ka nabadgelyo fiican yahay, marka loo eego qeybaha kale Geeska Afrika.

“Xukuumadu waxay u ballanqaadaysaa shuruudo soo jiidasho leh shirkada maalgashi macdaneed danaynaya. Inta badan qeybaha macdanta waxay ku dherersan yihii xeebaha, taasoo helitaankoodu markiiba suuq helayo, maadama shirkadahu fursad u helayaan adeegyada dekeda,”ayuu wasiirku u sheegay jariiraddaas.

Sidoo kale, waxuu sheegay in dekeda Berbera ku dhow yihiin Keydad ay buuxaan macdanaha Yuraaryam, Baltinam, Dahab, Maar, Bir, Dhuxul-dhagax iyo qaar kale oo badan, taasina ay suurto-galinayso inay  Dekedduna faa’iido dheeri ah u yeelato inay ku xidhmaan khadadka maraakiibta adduunka.

Shirkan ay yeelanayaan wasiirrada Macdanta Afrika oo lagu magacaabo INDABA, ayuu Wasiirka Macdantu sheegay inuu ka jeedin doono Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan fursadaha macdanta Somaliland.

“Dhismaha dhulka iyo tilmaamaha macdantu waxay iftiiminayaan helitaanka iyo horumarinta qeybo badan oo macdanaha birta ah. Dhowaan sahamin la sameeyey waxay cadeysay in Somaliland leedahay keydad badan oo macdanaha birta, Manganese, Platinum iyo lakabyo dahab ah,”ayuu yidhi Wasiirku, isaga intaas ku daray, “Khudbadaydu waxay ku wajahnaan doontaa maalgashedayaasha, hay’adaha lacagaha iyo shirkadaha baadha macdanaha ee Afrika iyo caalamka. Sidoo kalena, saamilayda shirkadaha waxaan u iftiimin doonaa fursadaha badan ee ka jira Somaliland.

Sahaminta macdanaha iyo soo saarkooda Somaliland waxay kaabi doontaa guulahii macdanaha Afrika ee hore,” ayuu yidhi Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories