HomeSomaliland Oo Lagu Casuumay Shir Maalgashi oo Turkigu U Qabtay Dawladaha Afrika...

Somaliland Oo Lagu Casuumay Shir Maalgashi oo Turkigu U Qabtay Dawladaha Afrika iyo Meeqaamka lagu qaabilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shirka-turkiga-2Istanbul (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu martiqaaday shirka caalamiga ah ee dalka Turkigu u qabtay dawladaha Afrika, kaas oo ka socda Magaalada Istanbul. Shirkan oo lagu soo bandhigaayo maalgashiga waddanka Turkigu ka samaynaayo dalalka Afrika, waxa waddamada Bariga Afrika ee lagu casuumay kamid ah dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Kenya.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiklanoojiyada Caalamiga ah ee Somaliland, Cali Xaamuud Jibriil ayaa si meeqaam sare ah uga qaybgalay shirkaas.

Shirkan oo halku dhigiisu yahay (Turkish African Busness Summit) waxa furay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Binali Yildirim, waxaanu si niyad samaan ah u soo dhaweeyay Madaxda ka socotay waddamada Afrika, isagoo u sharxay qorshaha maalgashi ee dalkiisu ku samayn doono qaarada dihin ee Afrika.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa shirka kadib kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Mr. Yildirim, sidoo kale waxa Wasiirka lagu casuumay xarumaha shirkada Isgaadhsiinta ugu weyn dalka Turkiga ee loo yaqaan,  Türk Telecom, taas oo danaynaysa inay Data-base u samayso dalka Somaliland.

shirka-turkiga-1
Weftiga Somaliland

Geesta kale Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa u gudbiyay dawladda Turkiga qorshaha qaran ee Tiklanoojiyada Somaliland iyo meelaha ugu muhiimsan ee laga caawin karo iyo dhinacyada maal galinta lagu samayn karo, halka sidoo kale dawladda Turkigu Wasiirka ugu bushaaraysay qorshayaal muhiim ah oo dhinaca Riigag Biyoodka abaaraha wax ka taridoona oo dawladda Turkigu ka hirgalin doonto dalka Somaliland.

Shirkan (Turkish African Busness Summit) ee Somaliland lagu casuumay, ayaa guul weyn u noqonaaya dalka iyadoo uu dadaal dheeraad ah muujiyay Wasiirka Somaliland uga qaybgalay shirkaasi ee Cali Xaamud Jibriil.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories