HomeSomaliland oo laga Xusay Sannad guurada 22aad Ee Ciidamada Booliska

Somaliland oo laga Xusay Sannad guurada 22aad Ee Ciidamada Booliska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) Munaasibad lagu xusayay sannad guurada 22aad ee aasaaska ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen madaxwaynaha Somaliland,xubno golihiisa wasiirada ka tirsan ,taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo sharaxay arrimaha ay sanadkan ciidamada boolisku qabteen

 “ Ciidanka boolisku waxay sanadkan gacanta ku dhigeen 3846 tahriiyeyaal ah, waxa kale oo ay qabteen 56 Mukhallasiin( Ma gafeyaal ah) kuwaasi oo dhammaantood sharciga la geeyay xukunno kala duwanna lagu riday. Waxa kale oo ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen 1,780 qoomiyadda oromada Itoobiya ah kuwaas oo dalkooda dib loogu celiyay”ayuu yidhi Taliye Fadal.

Waxaanu sheegay in waxa ugu badan ee amaanka khatarka ku ahi yahay muranada dhulka oo sannadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka Somalialnd.

“Waxa kale oo arrimaha ammaanka khatarta ku ah ka mid ah muranka dhulka oo dhimasho iyo dhaawac u gaysta booliska, waanan kugu hambalyaynayaa madaxweyne guddida aad u magacawday. Waxa kale oo ay talaabo adag Boolisku ka qaadeen dhalinyarada kooxaha ah, waxaanay gacanta ku dhigeen 550 dhalinyaradaas ah, waxaana xukunno kala duwan iyo ganaaxyo ku dhaceen 450,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Wasiirka Daakhiliga  Cali Warancadde, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland leedahay ciidan adag oo hanan kara ammaanka dalka “ Waxaanu madaxweyne gacanta ku haynaa ciidan dhisan oo hanan kara nabad galyada gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland. Waxay awood u leeyihiin inay hantaan nabadda wadanka iyo daryeelka bulshada Somaliland. Waxay ku suntan yihiin naftood hureyaal aan ka gabanayn cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho ammaanka qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa bogaadin u diray ciidamada booliska Somaliland sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay maalinta aas aaskooda.

“Waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa  Ciidanka Booliska, Ubadkooda iyo Xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Halkan Ka Daawo Sawiro Munaasibadda laga qaaday:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories