HomeSomaliland oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xusuusta Dadka ku Waxyeelooba...

Somaliland oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xusuusta Dadka ku Waxyeelooba Shilalka Gaadiidka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maalinta Caalamiga ah ee xasuusta dadka kuwaxyeeloobay shilalka waddooyinka oo sannad walba la qabto taariikhdu marka ay tahay 17 November, ayaa si weyn looga xusay magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

blankMunaasibadda lagu xusay maalinta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland maanta, waxa lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood iyo Berbera, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay shilalka kala duwan ee ka dhacay dalka Somaliland iyo khasaaraha ka dhashayba.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee xasuusta dadka ku waxyeeloobay shilalka waddooyinka ee lagu qabtay Caasimadda Hargeysa waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimeyaal Guud oo ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxbannaan ee dowliga ah, ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee Caasimadda Hargeysa, shirkadaha dhinaca gaadiidka ee ka hawlgala Somaliland iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mr. Muuse Yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Mr. Ibraahim Samo-doon iyo Agaasimaha Ururka IPPLS Mr. Cabdifataax Cabdillaahi Aw Cabdi oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay dhibaatooyinka ay shilalku u gaystaan dadweynaha iyo hantida bulshada, iyagoo ku baaqay in laga wada digtoonaado shilalka gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka dalka, waxayna u duceeyeen dadka kala duwan ee waxyeeladu ka soo gaadhay shilalka waddooyinka.

Waxa kaloo munaasibaddaas xuska ah hadallo ka jeediyey masuuliyiin ka socday Hay’adaha kala duwan ee ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin Dowladaha Hoose iyo Ciidanka Taraafiga, waxayna caddeeyeen inay Wasaaradda kala shaqeeyaan, isla markaana ay kala sii shaqayn doonaan sidii loo yarayn lahaa shilalka kala duwan ee ka dhaca gudaha magaalooyinka iyo meelaha ka baxsan magaalooyinkaba.

blankWaxa kaloo ay masuuliyiintu sheegeen in waxyaabaha lagu yarayn karo shilalka gaadiidka ay ugu muhiimsan yihiin in dadka loo sameeyo wacyigelin la xidhiidha khataraha shilalka gaadiidka iyo ina la sameeyo, lana dayac-tiro waddooyinka ku yaal gudaha magaalooyinka iyo jidadka kale ee ka baxsan meelaha magaalooyinka, isla markaana loo sameeyo calaamadaha muhiimka u ah isku-socodka gaadiidka iyo dadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay ujeedooyinka laga leeyahay xuska maalinta caalamiga ah ee xasuuska dadka ku waxyeelay shilalka waddooyinka, waxaannu yidhi; “Ujeedada aynu isugu nimid waxa weeyaan sidii loo yarayn lahaa shilalka, ujeedadaas oo ay Wasaaraddu masuul uga tahay Qaranka Somaliland, Wasaaradaha kalena ay ku gacan-siiyaan, markaas taas ayeynu isugu nimid. Waxa aynu u baahannahay in Wasaaradaha qarankeena uga masuulka ah ee dhinac uun ka soo gala bad-qabka jidadka (road safety) inay iskaashadaan, iyadoo aannu doonayno in sannadka 2020 (haddii Ilaahay yidhaahdo) aannu soo bandhigno oo haddaba diyaar iska ah waa geerashyada lagu baadho gaadiidka, waxaynu u baahannahay in markaasba sannadka 2020-ka (Insha Allaah) in qof walba oo reer Somaliland ah oo gaadhi wata laga rabo inuu gaadhigiisa hal mar mariyo qalabka hubinta tayada gaadiidka.”

Waxa kaloo xuskaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Abokor Maxamed oo sheegay inay Wasaarad ahaan door muhiim ah ka qaadan doonaan sidii looo yarayn lahaa shilalka kala duwan ee ka dhaca dalka, waxaannu yidhi; “Dhammaanba gaawaadhida qaada ardayda dugsiyada waxbarashada ee aan albaabka ku lahayn dhinaca loogu talogalay ee carruurta ku dejiya waddada, waxa aannu leennahay waa mabnuuc, dugsiga ay u soo qaadaana isla dugsigaas ayaa ruqsadda lagala noqonayaa, masuuliyadda ilaalinta ardaydana waxa iska leh maamulayaasha dugsiyada waxbarashada, markaa haddii ay kiraystaan bas uu albaabkiisu ku yaal dhinaca waddada xiga, anagu dugsiyaas ayaannu ruqsadda kala noqonaynaa, tallaabana ka qaadaynaa.”

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xergeeye oo isna goobta hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in shilalka gaadiidku ay dhibaatooyin badan ku hayaan bulshada iyo hantida ummaddaba, waxaannu yidhi; “Shilalka baabuurku waxay keenaan dhimasho aad u badan oo waddankeenna ah, iyadoo dadka shilalka ku dhintaa ay ay ka badan yihiin dadka u dhinta xannuuno badan oo faafa, markaa in aynu la dagaalanno oo aynu ka hortagno oo aynu cuddudeena isugu gayno sidii aynu wax uga qaban lahayn shilalka ay gaadiidku keenaan waa arrin aad u muhiim ah. Codsiga u yimid Wasaaradda Caafimaadka ee ah dhinaca refeertada runtii waa arrin aannu dareemi karno oo waa run, inkastoo ay sharciyad yihiin oo laamaha dowladdu wada-shaqayn ayey leeyihiin, markaa waa arrin aannu dareennay oo ah arrin u baahan in wax laga beddello, horena waannu uga wadahadalnay Agaasimaha Guud, imminkana cusbitaallada dhammaantoodba waxa aannu siinay amar ah in qofka xaaladdiisu degdega tahay ee badbaadin u baahan ee u baahan in la dhiig joojiyo ama in si degdeg ah wax looga qabto la diri maayo oo refeerto loo diri maayo inuu saldhigyada booliska ka soo qaato ee waxa la qorayaa uun wixii uu qabay, kadibna markaas ayaa refeerto (warqadda dhaawac muujinta ah) loo soo samaynayaa.”

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Jaamac Xaaji Axmed, waxaannu yidhi; “Anagu Gobolka Maroodi-jeex haddii aannu nahay, waxa aannu samaynay sannadkii hore ee 2018-kii barnaamij la yidhaahdo barnaamijka iskaashiga iyo horumarinta degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex oo aannu shir ugu qabanay sagaalka degmo ee Gobolka Maroodi-jeex oo ay Caasimaddu ku jirto, iyadoo aannu u samaynay in degmooyinku ay iskaashadaan oo xaga horumarka iska kaashadaan oo ay ugu horeeyaan waxyaabaha daruuriga ah, sida caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada, saldhigyada booliska, waxaanan lambarka koowaad ka dhignay oo aannu qaadannay sannadkii hore ee 2018 in waddada isku xidha Caasimadda Hargeysa iyo dekedda dalkeenna ugu weyn ee Berbera oo noqotay waddada ay shilalka ugu badan ka dhacaan in degmada Laas-geel laga sameeyo cusbitaal lagu daweeyo dadka ku waxyeelooba shilalka.”

blankWasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Sahal Maxamed Jaamac oo kulankaas xuska ahaa soo gunnaanaday, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan diyaariyeen siyaasado iyo qorshayaal wax lagaga qabanayo shilalka gaadiidka kala duwan ee ka dhaca waddooyinka dalka Somaliland.

“Runtii waxa muuqata in aynu marayno in aynu ka hadalno sidii aynu u yarayn lahayn waxa uu shilku keeno, taasina waa meel wanaagsan. Waxa loo baahan in qofkasta oo innaga mid ah inuu ku wacyigashan yahay in gaadhigani iyo masuuliyadda qofka qaadaya uu yahay qof hanan kara in aynu baraarugsannaano oo kii aan hanan karin aynu iska qabanno, dadkana u sheegno,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories