HomeSomaliland oo la kala safatay Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Isbahaysiga Sucuudiga...

Somaliland oo la kala safatay Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Isbahaysiga Sucuudiga iyo dalka Qatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay qayb ka tahay isla markaana ay la qabto go’aanka isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu xidhiidhka ugu jareen waddanka Qatar, sidaas awgeedna ay dowlad ahaan wixii maanta ka bilaabma xidhiidhka u jareen dalkaas.

099A0001Isbahaysi ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa xidhiidhka u jaray dalka Qatar oo lagu eedeeyey inuu taageero siiyo ururrada Xag-jirka ah iyo kooxo ammaan-darro ku haya waddamada Khaliijka Carabka, waxaanu go’aankani sababay in dalalkaasi xidhaan xuduudaha Hawada sare iyo badda ee ay la wadaagaan dalka Qatar, waxaanay taasi sababtay in diyaaradaha dalka Qatar ay isticmaalaan Hawada Sare ee waddamo ay Somaliland ku jirto.

Go’aanka xukuumadda ayaa ka soo baxay kaddib markii ay maanta shir aan caadi ahayn oo uu goob-joog ka ahaa madaxweyne Siilaanyo ay arrintan ka yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,waxa ay Somaliland shaaca ka qaadday inay taageersantay mowqifka ay dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ka qaateen khilaafka ka taagan Gacanka Cadmeed.

099A6541War-saxaafadeedka oo xambaarsan saddex qodob oo lagu go’aamiyey shirka Golaha Wasiirrada, ayaa u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.

Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-

  1. In Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
  2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad leh.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories