HomeSomaliland oo ku hawlan Xod-xodashada Shirkadaha Ugu Tunka Weyn Shidaal-Qodista Caalamka iyo...

Somaliland oo ku hawlan Xod-xodashada Shirkadaha Ugu Tunka Weyn Shidaal-Qodista Caalamka iyo Rejada Xaddiga Shidaal ee laga filayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay ku hawlantahay xod-xodashada Shirkadaha ugu tunka iyo magaca weyn ee dhanka Shidaal-qodista Caalamka ka dib markii lagu guulaystay heshiisyo ay Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu la gashay dhowr-shirkadood oo qaarkood dalka ka bilaabeen hawlaha Sahaminta Shidaalka.

Shirkadaha Xukuumadda Somaliland Liisanka Sahanka Shidaalka u ogolaatay isla markaana heshiisyo dhexmareen, ayaa wakhtigan tiradoodu gaadhaysaa  dhowr Shirkadood oo ay ka mid yihiin Ophir Energy, Genel Energy iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee DNO oo Dhowaan Xukuumaddu heshiis kula saxeexatay Dalka Maraykanka.

Somaliland_EnergyWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland, Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo u warramay jariiradda ka soo baxda Dalka Imaaraadka Carabta ee THE NATIONAL, ayaa rejo weyn ka muujiyey natiijada hawlaha baadhista iyo soo-saarista Shidaalka Somaliland, isaga oo dhanka kalena xaqiijiyey in wada-hadal u socdo shirkado kale oo ay ka mid tahay shirkadda Fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee  Mubadala Petroleum.

Shirkaddaha DNO iyo Genel, ayaa labadoodaba qorshahoodu yahay inay howsha qoditaanka ceelasha Somaliland, bilaaabaan sanadka soo socda, iyada oo shirkadda Genel ay cabiridda dhulka iyo xog-raadinta qaybteeda bilaabaysa dhawaan, ka hor inta aanay sannadka dambe bilaabin qoditaanka, sida uu xaqiijiyey, wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha Somaliland, Xuseen Abdi Ducaale.

Wasiirka oo ka hadlaya rejada wax-soo-saar iyo nooca kheyraadka Shidaalka Dalka, ayaa yidhi, “Waxaanu macdanaha dhulka la mid nahay Yemen, wadanka Yemena wakhti hore ayaa looga hellay saliid dhan, 9 billion oo foosto, iyaddoo ay jiraan meelo badan oo aan wali laga baadhina. Anaguna waxaanu aad ugu rajo weynahay inaanu isku mid ka nahay khayraadka,”

Iyadoo aanay weli jirin shirkado dheeraad oo heshiis la galay, haddana waxaan muran ku jirin in Somaliland ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd shirkaddo kale oo iyana baadha saliida ceegaagta deegaankooda.  “Waxaanu sidoo kale, si fir-fircoon u xod xodanaynaa shirkado badan oo kale,” ayuu Mudane  Xuseen hadalkiisa Sii raaciyey. Waxa kale oo wasiirku tilmaamay in xukuumadiisu iyo shirkadda fadhigeedu yahay Abu Dhabay ee Mubadala Petroleum, uu wadahadal meel fiican u marayo, ayna jiraan heshiisyo is fahan ay la saxeexdeen shirkado kale oo shidaal qodida maal galiya.

Wali ma jiro qiyaas laga sameeyey saliida iyo gaaska ku jira wadanka, laakiin Somaliland ayaa la qiyaasayaa inay safka hore kaga jirto wadamada hodanka ku ah saliida caydhiin.

Qaaradda Afrika oo isku beddeli doonta Suuqa Cusub ee Shidaalka Caalamka, waxa Waddamada saliidda dhawaan laga soo saaray ka mid ah, Koonfurta Sudan, Tanzania iyo Mozambique. Wxaanay dhinaca kale eryanaysaa, wadamada Gacanka Cadmeed sida Yemen, Cumaan iyo Sacuudi Carabiya.

Mr Ducaale ma Qabo, inay shirkadaha imanaya Somaliland caqabad kala kulmi karaan  xukuumada Muqdisho, oo aan wali aqoonsanin dowladdiisa.

Wallow, budh-cad badeedu faro baas ku hayaan ganacsiga ka goosha Gacanka Cadmeed, wasiir Xuseen Ducaale waxa uu rumaysan yahay in dhoofka iyo baayac-mushtarka saliidda, suuqoodu xaami noqon doono gobolka. “Haddii aanu macdantan suuqa soo dhigno, waxaa noo soo baratami doonaa baayac mushtarka caalamka,” ayuu yidhi.

Somaliland ayaa ka rajaynaysa baadhista saliida ee wadankeeda ay ka wadaan shirkadaha caalamku, inay daaha ka faydi doonto natiijo la mid ah tan wadanka deris keeda ah ee Yemen. Waxaanay wada hadalo la bilowday shirkado hor leh , si ay u rumowdo riyada wadankan aqoonsi raadiska ah.

Heshiiska u dambeeyey ee Dawladda Somaliland la saxeexatay Shirkadaha Shidaal-baadhista, ayaa ah Shirkadda DNO oo laga leeyahay dalka Norway, taas oo talaabadan ay qaaday, Libin-laab ka dhigayso heshiis ay, bishii August, laba ceel (Blocks) oo Somaliland gudeheeda ah ugu xidheen shirkada Genel Energy.

Labadan shiradood ayaa hore waxay saliid uga soo saareen gobolka Kurdiyiinta ee wadanka Ciraaq iyo wadamo kale oo caalamka ku yaala.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories