HomeSomaliland Oo Ku Guulaysatay Beerista Lawska Oo Tayo Sare Leh

Somaliland Oo Ku Guulaysatay Beerista Lawska Oo Tayo Sare Leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Dhulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyay beerashada midhaha Lawska oo waxtar weyn u leh nolosha aadamaha, isla markaana ah dallagyadda beeraha ee ugu qaalisan adduunka kaas oo aan hore uga bixi jirin dalka.

Shirkadda Zamzam Food Industry oo ka mid ah warshadaha dalka ka jira oo ay asaaseen xubno saamilay ah oo muwaadiniin reer Somaliland ah, laguna farsameeyo badeecadaha kala duwan ee ay ka midka yihiin, sharaabka budada ah, Jibista iyo Nacnaca, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay ku soo kordhisay waxyaabaha ay farsamayso Lawska dalka ka baxa.

“Shirkadu muddadii ay shaqaynay waxa ay ku dedaalaysay in ay markasta wax ku soo kordhiso waxsoosaarkeeda, sannadkii 2014-kii waxa ay  warshadu bilawday wax soo saarka Lawska oo runtii ah wax ku cusub oo ka duwan waxyaabihii ay soo saari jirtay warshadu, gaar ahaan waxaanu isku daynay sidii aanu dalka uga soo saari lahayn Lawska anaga oo la xidhiidhnay wasaarada Beeraha Somaliland iyo Beeralayda dalka, anaga oo si tijaabo ah u beernay Lawskii ugu horeeyay” sidaa waxa yidhi Maamulaha shirkadda Zamzam Food Industry mudane Axmed Maxamed Cilmi.

Mudane Axmed Maxamed Cilmi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixyay wax soo saarka kale ee warshada Zamzam iyo wakhtigii la asaasay, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkadda Zamzam Food Industry waxaa la asaasay sannadkii 2003-kii, xarunteeduna waxay ku taalaa magaalada Hargeysa, waxaa lagu bilaabay waxsoosaarka sharaabka budada ah ee ay dadku cabaan, muddo lix sanno ah markii ay shirkadu shaqaynaysay waxaa lagu soo kordhiyay Nacnaca iyo Jibista, suuqa ugu wayn ee ay shirkadu wax ka iibisaana waa Hargeysa, waana shirkad ay ku midoobeen dad saamilay ah oo reer Somaliland ah, shaqaalaha ka shaqeeyaana waa ilaa todobaatan qof, waxaanay ka mid tahay shirkadaha dalka ka hirgalay.”

Maamulaha shirkadda Zamzam Food Industry mudane Axmed Maxamed Cilmi waxa uu faahfaahin ka bixiyay sidii uu mashruucani ugu hirgalay iyo cidda ka caasisay, waxaanu yidhi “Warshada Zamzam kaligeed may hirgelin beerista Lawska ee waxaa naga caawiyay oo nagala qayb qaatay sidii mashruucani u hirgeli lahaa Hay’adda African Enterprise Challenge Fun oo ka mid ah hay;addaha maalgeliya ganacsiga, oo hadda caalamka waxaa la dhiidhi geliyaa dadka ganacsatada ah ee wax abuura ee wax tabcay, halkii berigii hore ay ahayd halkii horumarka uun laga shaqayn jiray hadda waxaa la isku dayayaa sidii dadka ganacsatada ahi ay u horumari lahaayeen marka ay figrad la yimaadaana lagu maalgeliyo, markaa hay’addan ayaa naga maalgelisay boqolkiiba konton. Markaaa mashruucani waxa uu socon doonaa muddo shan sannadood ah, qaybta hore waa qaybtaa Lawska, qayta labaadna waa samaynta Boorashka oo laga samaynayo dalaga beeraha ee dalkeenna.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories