HomeSomaliland oo Kaalin Dhex-dhexaad ah ka gashay Qiimayn lagu sameeyey 195 waddan

Somaliland oo Kaalin Dhex-dhexaad ah ka gashay Qiimayn lagu sameeyey 195 waddan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waddamada Ethiopia, Somalia iyo Djibouti oo Safka Hore kaga jira Derejada ugu hooseysa

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka mid noqotay waddamada meel-dhexaadka kaga jira hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo xoriyatul-qawlka, sida lagu shaaciyey Warbixin sannadeed uu soo saaro Urur Caalami ah oo Qiimeyn ku sameeya heerka Dimuqraadiyadda iyo xorritul-qawlka waddamada Caalamka.

Ururka oo lagu magacaabo FREEDOM HOUSE, ayaa Qiimaynta uu ku shaaciyey Warbixinta oo ka shidaal-qaadanaysa halbeeg saddex darajo lagu kala saaray waddamada Adduunka, waxa uu u kala saaray waddamo xor ah, waddamo qayb ahaan xor ah iyo Waddamo aan xor ahayn, iyadoo laga shidaal-qaadanayo halbeegyo ay ka mid yihiin xoriyatul-qawlka, musuq-maasuqa, doorashooyinka iwm.

Ururka oo qiimeynta uu sameeyey ku salaynaya sida ay dalalku ugu dhaqmaan Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda bani’aadamka ee la hirgeliyey sannadii 1948-kii, waxa diiradda la saaray xuquuqadaha siyaasadda iyo xorriyadda uu qofku bulshada dhexdeeda ku leeyahay.

Sida warbixinta lagu xusay, waxa hoos ballaadhan laga dareemay heerka Xoriyadda Caalamka, taas oo waxyaabaha ugu horreeya ee ugu wacan uu ka mid yahay hoos u dhaca dhaqaale ee dalalka caalamka qaarkood ka jira, waxaana sababtan tusaale loogu soo qaatay waddanka Shiinaha oo Liiskan xagga hore kaga jira laguna tiriyo dalalka aan ku dhaqmin dimuqraadiyadda.

Sida sawirka ka muuqata, Jamhuriyadda Somaliland, ayaa ka mid ah Dhowr iyo labaatan waddan oo lagu tiriyo inay qayb ahaan ku dhaqmaan nidaamka Dimuqraadiyadda ee ay ku dhisan tahay hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Reer Galbeedka.

Saddexda Waddan ee ay Somaliland xuduudka la wadaagto, Ethiopia, Somaliya iyo Jabuuti, ayaa safka hore ka galay dalalka aan madax-bannaanayn, halka sidoo kale dalka Yemen oo Somaliland dhinaca badda xuduud kala leh uu liiskan ku jiro.

warbixin

Sida Sawirka ka muuqata, midabka Casaanka ah ayaa u taagan dalalka aanay xorriyaddu ka jiran, Midabka Huruudda (Jaalaha) ah ayaa tilmaamaya waddamada ay xoriyaddu qayb ahaan ka jirto halka Midabka Cagaarka ah uu muujinayo waddamada hirgeliyey ku-dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo Xorriyadda hadalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories