HomeSomaliland oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo ay isku yimaadeen...

Somaliland oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo ay isku yimaadeen dalalka Bariga Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo ku qabsoomay magaalada Addis Ababa, kaas oo ay ka qayb-galeen waddamada Bariga Afrika.

Shirkan oo noqonaya markii ugu horeysay ee lagu marti-qaado Somaliland muddo lix sanno ah oo ay isugu imanayeen Urur ay ku bahoobeen dalalka Bariga Afrika,  waxa uu ku qabsoomay Xarunta Matxafka heer Qaran ee dalka Itoobiya, waxaana xukuumadda uga qayb-galay Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

3Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:- “Waxaa maanta ka  furmay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunt Matxafka Qaran ee dalka Ethiopia(National Museum of Ethiopia-HQ )  shirkii 6aad ee uu Qabto  Ururka Bariga afrika ee xaga cilmi baadhista adaamaha ee loo yaqaano(EAAPP).Shirkani waxa oo socon doonaa mudo saddex maalmood, waxaa ka  soo qayb galay madax iyo aqoonyahano iyo  Cilmi baadhayaal  ka socday  dalalka bariga afrika oo ay somaliland ku jirto ,Europe iyo Maraykanka.

shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo:H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay Wasiiradu  hoosta ka xariiqday ahmiyada Cilmi baadhistu ugu fadhida dalalk bariga afrika gaar ahaan xaga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi lahaa waxyaabaha qadiimka  ee ay leeyihiin Dalalka  Bariga Afrika ,  waxayna  uga mahadnaqday ururka  soo agaasime shirkan oo ah Ururka Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano  (EAAPP).

2Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Bariga Africa ee xaga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged  oo sheegay in ujeedada shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashan lahaayeen cilmi baadhista aadamaha  iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Gudoomiyihu Ururkaasi wuxuu  madasha ku soo dhaweeyay  dhamaan ka soo qeyb-galayaashii shirka, wuxuna Carabka ku dhufta in Somaliland markii ugu horeysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka qabsooma afrika, wuxuuna uga mahadnaq Somaliland ka soo qeyb galka shirkaasi,  waxaana madashaasi  sacab  iyo wajiyo farxad badani  ka muuqato  lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee  ka socday Somaliland oo kala Ahaa:

Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”  oo ah Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha dibeda&iska. Caalamiga ah  iyo Marwo Asma Cismaan Cabdi –oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda.  Soo dhaweyn ka dib, Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Gudoomiyaha ururka bariga afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista.

1Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka Mareykanka , Talayaaniga , Spanish-ka , Swiss-ka  ,Tanzania ,Kenya .Ethiopia, South afrika  ay   halkaasi  ku soo  bandhigeen  cilmi baadhis kala duwan oo ku saabsaneyd  Asal-ka  dadka afrikaanka  ah iyo asaarta  qadiimka ah ee  degaano ka mid ah dalalka Bariga  Afrika.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories