HomeSomaliland oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Caalami ah oo Kulmiyey Madaxda iyo Ganacsatada...

Somaliland oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Caalami ah oo Kulmiyey Madaxda iyo Ganacsatada Dunida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa oo noqotay Magaalada Kaliya Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee Nasiibka u heshay ka-qayb-galka Shir muhiim u ah Casriyeynta magaalooyinka

Taipei (SLpost)- Magaalada Taipei ee Caasimadda Waddanka Taiwan, waxa Salaasadii shalay ka furmay Shirweynaha caalamiga ah ee Smart Cities Summit and Expo oo sannad walba ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta dowladaha Hoose ee caasimadaha dunida, Khubaro iyo wakiillada shirkado caalami ah.

Shirweynaha Sannadkan oo noqonaya markii 11aad ee lagu qabto dalka Taiwan, waxa ka soo qayb-galay in ka badan 2,200 qof oo isugu jira 495 masuul oo ka socda 46 waddan oo Somaliland ku jirto iyo 1,650 qof oo isugu jira khubaro iyo ganacsato, waxaana si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyey maamulka Magaalada Kaohsiung, isbahaysiga Taiwan Smart City Solutions (TSSA) iyo Taipei Computer Association.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Taiwan Cheng Wen-tsan oo hadal ka jeediyey munaasibadda furitaanka shirka maalintii Salaasada ee toddobaadkan, ayaa xusay in tignoolajiyada casriga ahi laf-dhabar u tahay isbeddel xasiloon oo ku wajahan horumarka kaabayaasha magaalooyinka iyo sidii loo yarayn lahaa wasakhowga hawada ee ka yimaadda wax-soo-saarka wershadaha.

Wuxuu xusay in ujeeddada shirku ka mid tahay sidii Taiwan door muhiim ah uga geysan lahayd cagaarinta iyo casriyeynta magaalooyinka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda casriga ah maadaama Taiwan hoggaaminayso samaynta Semi-conductors-ka oo ah qalabka ugu muhiimsan ee ay ku shaqeeyaan mishiinnada electrooniga ah.

Caasimadda Hargeysa, ayaa noqotay Magaalada Kaliya ee Badhtamaha iyo Bariga qaaradda Afrika maamulkeeda lagu marti-qaaday, waxaana uga qayb-galay Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi, Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Horumarinta Khadar Yuusuf Cali.

blankXubnaha Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo furitaanka shirka ka hadlay, ayaa soo bandhigay horumarka ay maamul ahaan ka qabteen kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada iyo caqabado isbeddelka cimilladu sabab u tahay oo saamayn ku yeesha kaabayaasha kuwaas oo ay keenaan aafooyinka dabiiciga ah.

Xildhibaan Jamaal Cismaan oo qoraal uu kaga hadlay muhiimadda shirka ku baahiyey boggiisa Facebook, ayaa yidhi, “Shirkani wuxuu waxa uu muhiim u yahay is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha ku saabsan horumarinta magaalooyinka. Waxaanu fursad u helay inaanu ka qayb-galno shirkan oo ay goob-joog ka yihiin Shirkado caalami ah oo ku hawlan samaynta technologi Casri ah iyo xeeldheerayaal ka kala yimi daafaha dunida.”

blankWaxa xusid mudan inay shirweynaha Sannadkan ka soo qayb-galeen maayarka caasimadda Ukraine ee Kiev, maayarka Magaalada Houston ee caasimadda Gobolka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Maraykanka ee Taxes iyo sidoo kale maayarrada lix magaalo oo ku yaalla dalka Jarmalka.
Shir-weynaha oo soconaya inta u dhaxaysa 19-ka ilaa 22 March, ayaa diiradda lagu saaraya iskaashiga, wadaagista hal-abuurka iyo dardargelinta hirgelinta xalalka technologiyada si loo waajaho caqabadaha ka yimaadda isbeddelka cimillada ee soo saamaynta ku yeesha magaalooyinka, sidii yarayn lahaa wasakhawga hawadda iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa cagaarinta iyo casriyeynta magaalooyinka.

blank blank blank blank

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories