HomeSomaliland oo ka Qayb-gashay Bandhig Caalami ah oo Waddamada Islaamka uga Socda...

Somaliland oo ka Qayb-gashay Bandhig Caalami ah oo Waddamada Islaamka uga Socda Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bandhig caalami ah oo lagu soo bandhigo Dhaqanka Islaamka, ayaa Jimcihii shalay ka furmay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan.

blankBandhiggan oo ujeeddadiisu tahay sidii Shacabka Taiwan faham wanaagsan uga qaadan lahaayeen Dhaqan iyo Caadooyinka dunida Islaamka, isla markaana ay ka qayb-galayaan waddamada Islaamka, waxaana lagu marti-qaaday oo goob-joog ka ahaa Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji oo furitaanka bandhigga ka qayb-galay.

Waddanka Taiwan, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dalka Saddexaad ugu horreeya xagga soo-dhaweynta iyo wada-noolaan shiyaha Muslimiinta iyo Bulshooyinka kale.

Bandhigga ayaa socon doona inta u dhaxaysa 9-ka April ilaa 18-ka April, waxa shacabka reer Taiwan la bari doonaa dhaqanka iyo taariikhda Islaamka, iyada oo bandhigga xoogga la saari doona maalmaha hore ee bisha Barakaysan ee Ramadan oo la filayo inay bilaabanto Salaasada ama Arbacada toddobaadkan.

“Maadaama bisha Barakeysan ee Ramadaan ay soo dhow dahay oo maalmo kooban ka hadhsan yihiin, waxa aan aad ugu faraxsanahay inaan ka qeyb-galo Bandhigga Dhaqanka Islaamka ee ka furmay Taipei,” sidaa waxa boggiisa Twitter ku soo qoray Danjire Maxamed Xaaji.

Sida laga soo xigtay xogo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, waxa jira ku dhowaad 250,000 Muslimiin ah oo ku nool dalkaas, kuwaas oo 50,000 ka mid ah ay u dhasheen dalka Taiwan halka 200,000 ay yihiin dad ajaanib ah oo deggen.

Waxa Bandhiggan qayb ka ah waddamada Islaamka ee ay ugu horreeyaan Sucuudiga Urdun, Turkey, Cumaan, Bahrain, Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Nigeria, Indonesia, Malaysia iyo Brunei.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories