HomeSomaliland oo ka mid noqotay Waddamada Badhtamaha iyo Bariga Afrika oo loo...

Somaliland oo ka mid noqotay Waddamada Badhtamaha iyo Bariga Afrika oo loo saadaaliyey Suuqa Cusub ee Wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaasta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Somaliland ayaa markii u horreysay ka mid noqotay waddamada la danaynayo Kheyraadkooda dihin, gaar ahaan Bariga Qaaradda Afrika oo lagu tilmaamay inuu noqonayo suuqa cusub ee Shidaalka Caalamka.

Dalka Kenya oo lagu wado in badhtmaha Sannadkan lagu qabto Shirweynaha Afraad ee Shidaalka ee dalalka Gobolka Bariga Afrika (4th Eastern African Oil Gas & Energy) oo muddo laba maalmood ah (June 18-20ka), iyada oo shirkaas oo ay isugu imanayaan dawladaha iyo shirkadaha shidaalka soo saaraa, lagaga wada hadli doono fursadaha jira, baaxadda dhulka la baadhayo iyo shirkadaha ka hawlgalaya baadhitaanka kheyraadka Dabiiciga.

easternafriShirweynahan oo lagu qaban-doono Hudheelka InterContinental Hotel ee badhtamaha Nairobi, waxa lagu soo bandhigi doonaa fursadaha badhitaanka kheyraadka Dabiiciga ah ee 14 dal oo Bariga iyo Badhtmaha Afrika ku yaal kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, DRC, South Sudan, Ethiopia, Zambia, Eritrea, Somaliland, Seychelles, Madagascar iyo Mozambique. In kasta oo ay kala miisaan iyo dhaqaale gedisan yihiin dalalkani haddana waxa isu keenay fursadaha cusub ee dhawaan ka soo ifbaxay gobolka Afrikada Bari.

“Dhawaan sidii looga helay saliid iyo Gaas aad u laxaad badan dalalka Mozambique iyo Tanzania iyo fursadaha ka muuqda Kenya dhanka badda iyo berigaba, ayaa sare u qaaday gobolkan, iyada oo rejo laga qabo in meelo kalena sidoo kale saliid laga helo,” sidaa waxa yidhi Dr Duncan Clarke oo ah Guddoomiyaha Global Pacific & Partners.
“Saliidda laga helay dhawaan iyo fursadaha cusub ee muuqda, ayaa waxay soo jiiteen shirkadaha dawladaha ku xidhan sida CNOOC iyo PTTEP oo iyagu durba maalgashi badan sameeyey, waxana la filayaa inay shirkadaha aadka u laxaadka badan ee Chevron, Total, Shell iyo BP ay iyana soo galaan saylidda East Africa,” sidaas waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey bogga internetka ee Global Pacific & Partners oo fadhiyo ku leh saddexda dal ee Ingiriiska (London), Holland (The Hague) iyo Koonfur Afrika (Johannesburg), waxaanay u qaabilsan tahay qabanqaabada Kulamada Caalamka ee lagu faaqido Kheyraadka Dabiiciga iyo Talo-ka-bixinta la xidhiidha.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay heshiisyo badan la gashay shirkado dhawr ah oo qaarkood bilaabeen sahanka shidaalka, waxaaan u dambeeyey shirkad laga leeyahay dalka Norway oo madaxweynaha Somaliland bishan 23dii heshiis kula saxeeday dalka Maraykanka.

Xukuumadda Somaliland may sheegin siday uga qaybgalayso shirweynahan, hase yeeshee waxa halkaa ka hadli doona madax sar sare oo ay ka mid yihiin kuwa ka socda dawladda Ethiopia, Kenya, Ethiopia, DRC, the Seychelles, Tanzania, Madagascar, Burundi, Rwanda, iyo Uganda oo lafilayo inay mustaqbalka la wareegan Suuqa Saliidda Caalamka, sida ay sheegeen khubarrada iyo Shirkadaha ku shaqaysta baadhista iyo sahanka Shidaalka Caalamka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories