Home"Somaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba...

“Somaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in…” – WAR-SAXAAFADEED

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Somaliland Map

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa Beesha Caalamka u sheegtay inaanay dal ahaan qayb ka ahayn Doorashada abaabulkeedu Muqdisho ka socdo ee la filayo in dhawaan laga qabto Soomaaliya.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa beesha caalamka lagu wargeliyey inay Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya maadaama ay leedahay Dawlad madax-bannaan iyo Goleyaal cod shacab ku yimi.

Xukuumadda Somaliland waxa ay dowladda Soomaaliya uga digtay sheegashada magaca Somaliland iyo xulashada shaqsiyaad u dhashay oo ay sheegtay inaanay cidna metelin.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:- “Dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax-bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii May 1991, la soo noqotay gobonimadeedii
luntay 1960kii, Soddon sanno kadib, Somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho
oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha
fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(Golaha baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor
iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.

Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa
maamulka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

Ugu dambayn Somaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa,
waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories