HomeSomaliland oo ka hadashay Xubno isku sheegay Hoggaanka Awdal State oo Muqdisho...

Somaliland oo ka hadashay Xubno isku sheegay Hoggaanka Awdal State oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 14 January, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xubno sheegtay inay isugu jiraan Madaxweynaha wax loogu yeedhay Awdal State iyo xubno la socday oo Masuuliyiinta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya si weyn ugu soo dhaweeyeen shalay Caasimadda dabku ka hulcayo ee Muqdisho.

blankWasiiru-dawlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa sheegay inuu jirin wax maamul goboleed ah oo Awdal State la yidhaahdo oo Somaliland ka go’ay, isla markaana cidda waxaa wadda waxa uu ku tilmaamay qolo dibed joog ah oo riyoonaysa. Waxaanu eedayn kulul u jeediyey dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya oo uu sheegay inay duullaan ku tahay burburinta nabadgelyada iyo dimuquraaddiyadda Somalilad ka hana-qaaday tobankii sano ee u dambeeyey.

“Waxaan leeyahay shacabka reer Awdal waa dad tariikh ku leh Somaliland oo waa lagaranayaa inay yihiin ku wii shalay iyaga wax laga waydiinayey Somaliland. Markaa, Wax-garadka, Salaaddiinta iyo Cuqaasha reer Awdal way ka soo hor jeedaan wixii nabadda Somaliland wax yeelaya, mana oggola.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Maxamed-rashiid oo la hadlaya dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Siyaasiyiinta Soomaaliya intii ay odhan lahaayeen wax nala qabta Somaliland, maaha in iyagu wax qas wada inay soo dhaweeyaan, waxaan leeyahay dawladda ku-meel-gaadhka ah Somaliland waa dawlad oo haddii aad joojin waydaan waxa Qarannimadeeda wax yeelaya waxay noqon doontaa mid wax yeesha siyaasadda Soomaaaliya…”

Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda ee dawladda Somaliland, waxa uu sheegay inay magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama tahay halkii dhidibbada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa daraaddeedna aanay dadka reer Awdal u dheg-taagi doonin dhawaaqyada kooxaha cadawga ku ah midnimada, wada-jirka, nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo Qarannimad Somaliland. Maxamed-rashiid, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay in halkii ay dawladda Soomaaliya dhinaca nabadgelyada kala tashan lahayd Somaliland ay iyadu nabadgelyada ku soo duusho oo ay marba soo abaabusho kooxo Somaliland u dhashay si ay dalkooda waxyeello uga fuliyaan, dadka walaalahana u kala kexeeyaan.

Kooxda sheeganaysay Awdal State oo shalay Muqdisho ka degay, ayey Madaarka diyaaradaha magaaladaas ku soo dhaweeyeen Wasiirro iyo Saraakiil ka tirsan dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay maalmaha soo socda kulammo la yeelan doonaan Madaxda ugu sarraysa dawladda Muqdisho.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories