HomeSomaliland oo ka hadashay Qorshaha uga Yaala Xafiisyada QM oo Muqdisho loo...

Somaliland oo ka hadashay Qorshaha uga Yaala Xafiisyada QM oo Muqdisho loo rarayo iyo muhiimadda ay ka lahayd Wada-hadallada Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

DIGITAL CAMERAHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha Debadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa tallaabo meel ka dhac ku ah Madax-bannaanida Somaliland ku tilmaamay qorshe la sheegay in Xafiisyada Qaramada midoobay ee Nairobi toos loogu rarayo magaalada Muqdisho, tallaabadaas oo uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ku hawlan-tahay sidii ay uga hadli lahayd QM.

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu mar kale kaga dhawaajiyey in Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay sii amba-qaadka wada-hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey mad-madow soo galay rejada laga qabo inay sii socdaan ka dib markii madaxda Somaliya ay ku kaceen weerar siyaasadeed iyo  hadallo xannaf leh oo waxyeello gaadhsiin kara dedaallada wada-hadallada labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Debedda oo Maanta warbixin ka hor jeediyey Golaha Guurtida, waxa uu tafaasiil ka bixiyey ujeeddada wada-hadallada xukuumaddu la bilowday Soomaaliya, isaga oo dhanka kale ka hadlay qorshe la sheegay in Xafiisyada QM ee Nairobi loogu rarayo magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi “Qaramada midoobay ee inaga nala shaqeeya ee immika Xaruntoodu tahay Magaaladda Nairobi, sida immika aanu wararka ku helayno waxa naloo sheegay inay qaarkood immika ay u wareegayaan Magaalada Muqdisho ee Somaaliya, waxaanu danaynaynaa inaanu wada-hadal la galno, sidii Qaranka Somaliland ay iyagu u wada-shaqayn lahayeen mustaqbalka iyo sidii arrintaasi Madax-bannaanida iyo Qaranimada Somaliland aanay meel ugaga dhicin. Markaa anagu wada-hadaladii waanu sii wadaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada wadahadallada xukuumaddu la bilowday Somaliya. “Waxaan ogahay oo aan rumaysan nahay in himiladii qaranku lahaa aynaan wali ku guulaysan, loona baahan yahay in la der-dergaliyo oo aynu ka shaqayno. Wakhti aan isleeyahay dalka waxa ka jiray duruufo Siyaasiya oo aan filayo inaanay maanta jirin, markaa go’aan Gole Baarlamaan ayaa laga qaatay shirarka Soomaaliya. Baarlamaanku dib ayuu u eegay arrintaas waxaana xukuumada loo fasaxay inay ka qayb-galikarto ama ay la shiri karto Soomaaliya ama shirar ay Dawlada Soomaaliya ka mid tahay ay ka qayb-galikarto. Xukuumadu ka qayb-galka shirarkaas ay waxa ay ugu adeegaysaa waxyaabaha aas-aasiga ah ee Qaran iyo Inuu yahay Dal Madax-bannaan oo sharaftiisa iyo qaranimadisa aanay waxba u dhimayn ka qayb-galka shirarkaas, laakiin ay wax ku soo kordhinayso qadiyadiisa iyo Ictiraafdoonka Dalkan,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Anagoo ka duulayna go’aanka ka soo baxay Goleyaasha, Shirarkaas waxaanu u arkaynay in talabadaas cusub ee qaranku ay tahay dariiqyo cusub oo ku soo biiray sidii ay Somaliland u heli lahayd Ictiraaf Caalamiya iyo iskaashi inay la yeelato Dunida. Maaha tallaabo beddelaysa dariiqyadii hore ee qarankani marayey ee ku wajahnayd Afrika, Yurub, Carabta iyo Dunida kaleba ee intaas lagaga dalbanayay aqoonsiga, laakiin waa mid ku soo biiray in dariiqaas Wada-hadalada Soomaaliya loo mari lahaa xoriyadda Somalilad. Nuxurka heshiiskaas waxa uu ahaa marka loo gude galo labada gesood ee Wada-hadlaaya inay noqdaan Dawlada Soomaaliya oo aanu ku sharaxnay intii Talyaanigu gumaysan jiray ee xorowday iyo geestii kale ee British Somaaliland ee Ingiriisku haysan jiray ee Madax-bannaanida ka qaadatay.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories