HomeSomaliland oo Ka Hadashay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii London iyo Saamaynta...

Somaliland oo Ka Hadashay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii London iyo Saamaynta Qaaddacadda Shirkaas ee Siyaasadda Khaarajiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay aragtideeda ku aaddan qodobbo ku jiray War-murtiyeed shalay laga soo saaray Shirkii London ee lagaga hadlayey taageerada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay soo dhawaynayso qodob ku jiray war-murtiyeedkaas oo lagu taageeray wada-hadallada u furmay Somaliland iyo Somalia.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta u warramay Laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa mar la weydiiyey sida ay Xukuumad ahaan u arkaan War-murtiyeedka Shirkaas ka soo baxay iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Shirkaas Waxaanu u aragnaa inuu khaas u yahay Soomaaliya, waxaanu rejaynaynaa inuu noqdo mid midho dhal noqda waxyaabihii laga wada hadlay,” ayuu yidhi Dr Cumar waxaanu intaas ku daray, “Waanu soo dhawaynaynaa qodobka 4aad ee War murtiyeedkii ku jirey, kaas oo si cad loogu taageeraayey wada-halladii Somaliland iyo Somalia.”

Wasiirka oo hadalkiisa Sii wata waxa uu yidhi, “Shirkaasi waxa uu khaas u ahaa sida la wada arkaayey arrimaha soomaaliya, mana muuqato wax saamayn ah oo uu Somaliland ku yeelanayo, balse dalka aanu walaalaha nahay waxaanu u rejaynaynaa inay arrimahooda guul ka gaadhaan.”

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelanaynin deeqda dawlada Soomaaliya loogu yaboohay,  deeqihii dhinaca gar-gaarka ee Somaliland ay ka heli jirtay dawlada Ingiriiska, “Arrintaasi wax saamayn ah oo ay ku yeelanaysaa ma jirto, waxaananu rejaynaynaa in sidii aanu ku heshiinay dawlada Soomaaliya shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkiga in deeqaha ay beesha caalamku bixinayaan Somaliland ay qaybteeda si toos ah deeq bixiyeyaasha ay uga helayso, ama ha noqdaan wixii shirkii shalay lagu yaboohay ama deeqaha kale ee ay dunidu bixisaba ha noqotee, sida uu muujinayay qodob ka mid ahaa qodobadii aanu Soomaaliya ku heshiinay shirkii Ankara, markaa waxaanu rejaynanaa in qaybta aanu ku leenahay wixii horumar ah in aanu deeq bixiyeyaasha ka helno.”

Wasiirka Khaarajiga oo la waydiiyay qaadacaaddii Somaliland ee shirkii London in uu dhibaato u keeni karo siyaasadda dibada Somaliland gaar ahaana xidhiidhka Ingiriiska, waxa uu sheega inaanay arrintaasi wax saamayn ah ku keeni doonin cilaaqaadka Ingiriiska iyo dalalka kale ee Caalamka, isaga oo dhanka kale soo qaaday inay dawladda Ingiriiska ka wada-hadleen Shirkaas iyo Mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay, dawladda Ingiriiskuna garowshiinyo ka bixiyey go’aanka Qaaddacaadda Somaliland ee ka-qaybgalka Shirkaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories