HomeSomaliland oo ka hadashay Nooca Xidhiidhka ay Wadaagaan Soomaaliya, si adag u...

Somaliland oo ka hadashay Nooca Xidhiidhka ay Wadaagaan Soomaaliya, si adag u digtay Maamul-goboleedka Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inuu meel wanaagsan marayo xidhiidhka ka dhexeeye dawladda Somaliya, isla markaana ay dhankooda ku dedaalayaan sidii ay uga dhigi lahaayeen xidhiidh labada waddan ka dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay xidhiidhkooda  Somaliya uga dhigi lahaayeen mid ka dhexeeya labada waddan jaar ah, waxase uu digniin xooggan u jeediyey maamul-goboleedka Puntland oo uu u jeediyey inay ka waan-toobaan farogelin ay ku hayaan deegaannada gudaha xuduudka Somaliland, isaga oo tilmaamay inaanay Somaliland u dul-qaadan doonin xad-gudub lagu sameeyo xuduudaha Caalamku ogyahay ee Somaliland leedahay.

Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxa kale oo uu ka hadlay safarkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland ku soo maray gobollada Galbeedka iyo Bariga dalka oo uu ku sifeeyay inuu ahaa socdaal Madaxweynuhu ugu kuur-galayay xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo.

“Safarkii Madaxwaynaha somaliland waxa uu ahaa safar aad u wanaagsan oo loogu kuur galayey Xaaladaha Kala duwan ee ay Ku Sugan yihiin  deegaanada uu tegay waxaana halkaas nooga muuqatay nabada somaliland ka tis qaaday safarkaasina waxa uu soo jiitay indha caalamka,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi.

Wasiirka waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xukuumaddiisa iyo xukuumadda magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi, “Madaxwaynahu waxa uu u magacaabay afar Wasiir oo aan anigu guddoomiye u ahay, markaas cilaaqaadka Somaliland iyo dalka Soomaaliya aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay, waliba waxaanu rabnaa inaanu intaas kasii xoojino madaamo oo aanu nahay laba dal oo  jaar ah.”

Waxaa kaloo uu Wasiir Maxamed Biixi ka hadlay dhaq dhaqaaq Millatari oo  maalmihii ugu dambeeyay ka jiray deegaamo ka tirsan Bariga gobolka Sanaag, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Puntland waxay ka mid tahay Maamulka Soomaaliya,  waxaanu  nahayna laba dal oo jaar ah, Puntland-na way ogsoontahay caalamkuna wuu ogsoonyahay xuduudda Puntland halka ay ku taalo, xaqna uma laha in ay ka hadlaan Puntland markaanu tagno magaalooyinkayaga, waanan tagaynaa, Somaliland ogolaan mayso in xuduudaheeda laga soo talaabo gar-darrana lagu sameeyo, anaguna nabadda ayaanu jecel nahay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Danjire Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories