HomeSomaliland oo ka hadashay kulan dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Prof Cali Khaliif...

Somaliland oo ka hadashay kulan dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Prof Cali Khaliif Galeydh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA/MUQDISHO (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu Xafiiskiisa kulan kula yeeshay horjoogaha Kooxda la baxday Khaatumo State Cali Khaliif Galaydh, waxaanay noqonaysaa tallaabo si cad u jebinaysa qodobbo ku jiray heshiisyo hore Somaliland iyo Soomaaliya u kala saxeexdeen oo dhawrayey habsami-u-socodka wadahadallada labada dhinac u socday.

Heshiis toddoba qodob ka koobnaa oo Somaliland iyo Soomaaliya ku wada gaadheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga 13 bishii April, 2013 oo qodobbadiisa ka mid ahaayeen in layska ilaaliyo adeegsiga luuqad ama ficil kastoo keeni kara in khatari ku timaaddo sii socoshada wada xaajoodyada, lagana wada shaqeeyo ilaalinta ammaanka, ayaa gebi ahaanba uu jebinayaa kulanka Madaxweynaha Soomaaliya shalay kula yeeshay horjoogaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Magaalada Muqdisho.

galayr1-1024x575Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo hore loo sheegay inuu ka soo horjeedo kulan uu la yeesho horjoogaha Khaatumo Cali Khaliif oo muddo afar bilood ah u joogay Muqdisho la kulankiisa, oo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo xubno kale ku wehelinayeen ayaan weli faahfaahin dheeraad ah laga heyn waxa uu ku saabsanaa iyo qodobbada ay ka wadahadleen. Hase-yeeshee, sida muuqata aan ka madhnayn mid lagu dibindaabyeynayo Somaliland, maaddaama Xubnahani yihiin qaar u dhashay, balse ka soo horjeeda jiritaankiisa qaranimo.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay mawqifkooda wada-xaajood la sheegay inuu dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, isla markaana sheegay inaanay ku degdegi doonin dhaleecaynta kulankaa, maaddaama weli xogo faahfaahsan aanay dhinaca Soomaaliya ka hayn, oo ay filayaan inay ka soo bixiyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey xalay mawqifkooda kulanka dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo horjoogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif iyo inaanay jebinayn qodobbo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu heshiisyeen, waxa uu ku jawaabay ayaa yidhi, “Xilligan wax jawaab ah kama bixin karno, illaa aan ogaanno sida wax u dhaceen iyo waxay ka wadahadleen.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin kulankii loogu ballansanaa inay dib uga bilaabmaan dalka Turkiga wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo u muddaysnaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha soo socoda, waxaanu yidhi; “Way noo sheegeen inay iman doonaan.”

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo hore ugu heshiisyey kulan ku dhexmaray magaalada Jabuuti 21 bishii December, sannadkii hore inay wada-xaajoodyadii u dhexeeyey dib uga bilaabmaan dalka Turkiga maalinta Khamiista iyo Jimcaha 26/27 bishan aynu ku jirno ee Febraayo.

Dhinaca kale, warar laga helay ilo ku dhow Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, ayaa tibaaxaya inay jireen qorshe xubno dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland qeyb ka noqdaan xubnaha Soomaaliya uga qeybgelaya wada-xaajoodkooda Somaliland.

Xogahaas ayaa tibaaxay in Maxamed Cumar Carte, Raysal-wasaare Xigeenka Soomaaliya iyo Nuur Faarax Xirsi, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Soomaaliya ku jireen xubno hore Raysal-wasaaraha Soomaaliya u qorsheeyey inay qeyb ka ahaadaan xubnaha u metelaya wada-xaajoodyada la filayo inay dhammaadka toddobaadkan ka bilaabmaan dalka Turkiga.

@Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories