HomeSomaliland oo ka hadashay Isbeddelka Siyaasadeed ee Itoobiya, Heshiiska Eratariya iyo Khilaafka...

Somaliland oo ka hadashay Isbeddelka Siyaasadeed ee Itoobiya, Heshiiska Eratariya iyo Khilaafka Jabuuti & Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dr.-Sacad-Cali-Shire-1Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika iyo waliba Dalka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo saamaynta uu ku yeelan karo Dalka Somaliland.

Wasiirka arrimaha Dibada JSL Md Sacad Cali Shirre, ayaa si qoto dheer uga hadlay mawqifka JSL ee isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika, sida Xaaladda dalka Itoobiya, isbedelka Hoggaanka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Heshiiska Itoobiya iyo Erateriya, iyo Khilaafka Dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaanu Wasiirku arrimahaasi kaga hadlay su’aalo door ah oo suxufiyiintu weydiiyeen, ugu horreyn Wasiir Sacad waxa uu ka hadlay saamaynta ay isbedelada ka socda dalka Itoobiya ay ku yeelan karaan dalka Somaliland, waxaanay hadalkiisu u dhignaayeen sidatan.

Isbedelada Dalka Itoobiya:

“Haddii aynu Somaliland nahay waxaynu xad la leenahay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, waxaanay xadka ugu dheer la leenahay dalka Itoobiya, markaa Itoobiya waa dal aynu siyaabo badan isugu xidhanahay oo dad iyo xidhiidh ganacsi ayaa innaga dhexeeya oo nabadeena iyo siyaasadeena ayaa isku xidhan, oo wax kasta oo ka dhacaa saameynteeda ayuu innagu leeyahay dhinac walba, markaa isbedelka ka socda dalkaasi oo saldhigiisu yahay nabad ku wada noolaasho, Iskaashi Dhaqaale, iyo Furfurnaan waynu soo dhaweynaynaa, markaa isbedel kastaa wuxuu leeyahay xanuunkiisa, wixii ka dhasha ee dhibaato ahina way ina saamaynaysaa, sida aad la socotaana maalmihii dhawaa rabshado ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah killilka shannaad, waanan ka tacsiyeynayaa ciddii ku dhimatay, wixii kale ee inagaga beegana waa dal jaarkeena ah oo kaalinteena ayeynu ka qaadanaynaa”.

Isbedelka Hoggaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida:

Wasiir Sacad oo isbedelka jagada madaxweynaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Arrinkaasi arrin ii yaalla maaha, ee waa arrin gudaha dalka Itoobiya ah, haddii ay xil u dhiibanayso iyo haddii kale (Madaxweynihii hore ee killilka shannaad), maaha arrin ina khuseeya ee waa mid iga u yaalla, Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo cid kasta oo timaada ba waxaanu ka rejaynaynaa jaar wanaag, iyo wada shaqayn”.

Mawqifka Somaliland ee Heshiiska Itoobiya iyo Erateriya :

Wasiirka arrimaha dibada waxa kale oo uu iftiimiyey mawqifka Somaliland ee heshiiska dalalka Itoobiya iyo Erateriya, “Mawqifka isbedelka ku saabsani waa kii uu madaxweynuhu cadeeyey, laakiin innagu cid kasta oo heshiis gaadha ama nabad samaysa waanu soo dhaweynayaa, cid kasta oo iskaashi samaysana waanu soo dhaweynaynaa, wax kasta oo wanaag ah ama dalalka jaarkeenu sameeyaan waanu soo dhaweynaynaa oo ma diidayno”.

Khilaafka Jabuuti Iyo Soomaaliya:

Wasiir Sacad waxa uu tilmaamay arrinta khilaafka dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya uu ka dhashay ee ah mawqifka Soomaaliya ka qaadatay cunaqabtayntii muddada dheer saarneyd Erateriya, waxaanu yidhi “Runtii, arrinka cunaqabatayntu waxa uu ka dhexeeyaa Jimciyadda Qurruumaha iyo Erateriya, kolleyna shuruudo ayaa lagu xidhay oo haddii ay buuxisay waa laga qaadi, haddii kalena laga qaadi maayo, laakiin khilaafaadka ka dhexeeya Erateriya iyo Jabuuti, waxaanu ku talinaynaa oo aan rejaynayaana inay ku dhameeyaan wanaag iyo wada hadal, hadalka uu Madaxweyne Farmaajo uu ku codsaday in laga qaado cunaqabataynta isaga ayey u gaar tahay, xidhiidhka labadaasi dal ee xummaadayna Somaliland dooni mayso inay ka faa’iideysato xummaanta u dhexaysa deriskeena, waxaynu doonaynaa bah dalal xor ah oo cilaaqaad wanaagsan leh”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories