HomeSomaliland oo ka Hadashay Geerida Haweenaydii u horeysay ee Noqotay Xoghayaha Arrimaha...

Somaliland oo ka Hadashay Geerida Haweenaydii u horeysay ee Noqotay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa hadashay Geerida ku timi Haweenaydii u horeysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka, Madeleine Albright oo Arbacada maanta ku geeriyootay dalkaas.

blank
Madelein Albright in 1998

Madeleine Albright oo da’deedu ahayd 84-jir, ayaa u geeriyootay xannuunka Kansarka, sida lagu sheegay war-murtiyeed Qoyskeedu soo saaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa shacbiga iyo dawladda Maraykanka ka tacsiyeeyey Geerida Haweenaydan. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka Mareykanka geerida ku timid xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Madeleine Albright,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Ciise Keyd farriintan tacsida ah ku baahiyey bartiisa Twitter.ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ah Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka Shaqo ku jooga Dalka Maraykanka.


Tuma ayay ahayd Albright?

Haweenaydan oo lagu tilmaami jiray giraantii Siyaasadda reer Galbeedka kaddib markii uu dhammaatay dagaalkii qaboobaa, ayaa xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka haysay intii u dhaxaysay sannadihii 1997-kii ilaa 2001-dii xilliggii xukuumaddii madaxweyne Bill Clinton.

Albright oo asal ahaan ka soo jeedday dalkii laysku odhan jiray Czechoslovakia oo immika ah labada waddan oo ku yaalla Yurub, xilligaas oo Qoyskeedu uga hagaajireen Maraykanka sannadkii 1948-kii, ayaa markii u horeysay saaxadda dublomaasiyadda Maraykanka ku biirtay sannadkii 1993 oo loo magacaabay Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay wax yar kaddib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyey madaxweyne Bill Clinton.

blankMuddo-xileedkii labaad ee uu madaxweynaha Maraykanka ku guulaystay Bill Clinton Doorashadii 1996-kii, waxa Albright u magacaabay inay noqoto Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, waxaana lagu tilmaamaa haweenaydii udub-dhexaadka u ahayd siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka dhowr sanno kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa isla markaa uu burburay Midowgii Soofiyeeti oo ahaa awoodda labaad ee tartanka kula jiray Maraykanka.

Waxa xusid mudan in haweenaydani qayb laxaad leh ka qaadatay in Maraykanku siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda iyo Milatarigii ku fidiyo dunida inteeda maadaama oo uu xiligaas burburay Midowgii Soofiyeetii, waxaanay xilligaas majaraha u qabatay siyaasadda isballaadhintii isbahaysiga NATO ee dhinaca Bariga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories