HomeSomaliland oo ka hadashay Dhalinyaro la Baafinayo oo Dowladda Soomaaliya Tabobar Ciidan...

Somaliland oo ka hadashay Dhalinyaro la Baafinayo oo Dowladda Soomaaliya Tabobar Ciidan u dirtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhalinyaro waalidiintoodu baafinayaan oo la sheegay in dowladda Soomaaliya tabobar ciidan ugu dirtay dalalka dibadda, gaar ahaan waddanka Eritrea.

Dhalinyarada oo la sheegay in qaarkood ku geeriyoodeen dagaaladii dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Jabhadda Tigrayga kaddib markii dowladda Eritrea u adeegsatay ciidamo ay ku taageertay dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed oo Jihada Woqooyi ee xuduudka u dhexeeya labada waddan dagaal ka soo qaaday Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Ethiopia.

La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ugu baaqay in looga fadhiyo caddeynta arrintan iyo qancinta waalidiinta ubadkooda baafinaya ee ilaa haatan la la’ yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlay xaaladda Ethiopia xilligii uu socday dagaalka u dhexeeyey Ethiopia iyo Jabhadda Tigray ayaa hore u sheegay inuu taageersan yahay midnimada iyo wada-jirka dalka Ethiopia

Farmaajo iyo iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo tiraba dhowr jeer kulamo siyaasadeed dhexmareen, ayaa noqday xulafo siyaasadeed oo ka midaysan siyaasadda manqadda Geeska Afrika.

blankRaysalwasaaraha Ethiopia, ayaa sannadkii 2018-kii oo ku beegnayd wax yar kaddib markii uu talada dalkaas la wareegay, waxa uu gudaha Itoobiya ku Qaabilay Madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afowerki oo uu marti-qaad u fidiyey, waxaanu kulan saddex-geesood ahi ku dhexmaray magaalada Gondar ee xarunta Ismaamulka Amxaarada ee dalkaas.

Kulankaas ayaa lagu sheega in saddexda hoggaamiye kaga wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada Dhaqaalaha iyo ganacsiga.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories