HomeSomaliland Oo Ka Digtay Cawaaqib-xumo Ka Dhalan-karta Faro-gelin Soomaaliya ku hayso Laascaanood

Somaliland Oo Ka Digtay Cawaaqib-xumo Ka Dhalan-karta Faro-gelin Soomaaliya ku hayso Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda magaaladda Laascaanood, iyada oo tacsi u dirtay dadkii ku geeriyooday Magaaladaasi, Waxaa kale oo ay digniin u dirtay cid kasta oo faro gelin ku haysa amniga gudaha ee Somaliland.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Dibadda waxa lagu sheegay in Tobankii sano ee u dambeeyay ay magaalada Laascaanood ka socdeen dilal qorshaysan oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka oo isugu jiray xubno sarsare oo ka tirsan Garsoorka gobolka, xubno ka socday hay’adaha amniga qaranka iyo maamulka gobolka.

Waxa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dedaallo ay si wada-jir ah u sameeyeen ciidamada ammaanka Somaliland iyo hay’adaha sirdoonka ee Somaliland ay xaqiijiyeen in dilalkaas qorshaysan ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay in Dilkii u danbeeyay ee 28-kii bishii December 2022 ka dhacay Magaaladda Laascaanood lala beegsaday Murashax u tartamay doorashadii Golaha Wakiillada oo lagu magacaabo Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi, dilkaasina uu sababay inay Magaaladaas ka dhaceen mudaaharaad sababay dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed.

Warku waxa uu intaas ku daray in Qaar ka mid ah dambiilayaashii dilalka ka geystay gobolkaas hore loo xukumay, halka dhinaca kale ay socdaan baadhitaanno lagu wado qaar kale oo ay sugayaan maxkamad.

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag uga soo horjeeddaa sheegashada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Puntland oo wada faafinta warar khaldan oo ay xaaladda ku sii hurinayaan,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo intaas ku daray in hadallada been-abuurka ahi ay khatar ku yihiin ammaanka iyo xasiloonida gobolka guud ahaantii, isla markaana aanay Somaliland u dulqaadan doonin wax kasta oo khatar ku ah qaranimadeeda iyo wada-jirkeeda dhuleed.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo jawaabta xukuumadda Somaliland ka bixisay qaabka Soomaaliya uga fa-celisay Xiisadda ka taagan Laascaanood, haddana waxa muuqata in arrintani salka ku hayso qorshe abaabulan oo ka dhan ah Isku soo dhawaanshiyaha dowladda Maraykanka iyo Somaliland, kaddib markii Somaliland lagu daray Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka, kaas oo suurto-galinaya in Milatariga Maraykanku Saldhig Milatari ku yeesho magaalada Berbera.

Somalilandpostnet

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories