HomeSomaliland oo ka Jawaab-celisay Hadal Madaxweynaha Somaliya ku Xan-xanteeyey Wada-hadallada labada waddan

Somaliland oo ka Jawaab-celisay Hadal Madaxweynaha Somaliya ku Xan-xanteeyey Wada-hadallada labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaab-celisay hadal uu madaxweynaha Somaliya dhowaan kaga hadlay geedi-socodka wada-hadalada laba dal, kaas oo uu ku sheegay in wejiyada dambe ee wada-xaajoodka loo soo rari doono magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey madaarka Hargeysa, kadib socdaal muddo todobaaad ah qaatay ugu maqnaa dalalka dibadda, ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin hadalkaas ka soo yeedhay Madaxda Somaliya, isaga oo wax aan suuro-gal noqonayn isla markaana aan laysku ogeyn ku tilmaamay in wada-hadallada lagu qabto magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay gunaanadka wada-xaajoodkii Istanbul, waxaanu yidhi, “Waxyaalaha ugu waaweyn ee ka soo baxay wada-hadaladii Turkiga ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya waxa ka mid ahaa arrinka xasuuqii dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre u geysatay dadka Somaliland. Arrinka xasuuqa ee ay ogolaadeen markii ugu horeysay iyo hawlo badan oo kale oo la xidhiidha sidii ay wadahadaladu u sii socon lahaayeen.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaana igu maqaalo ah in xukuumadda Muqdisho tidhi wada-hadalada waxa lagu qabanayaa Hargeysa iyo Muqdisho, arrinkaasi kumaanu heshiin, mana dhacayso, suurto galna maaha.

Waxa kale oo aan doonayaa inaan dadka u sheego Somaliland talo ay gaadhay ayey samaysay oo ah gooni isu-taagga, shacbigaana sameeyey go’aankaasi, cid ka noqonaysaana ma jirto, sidaasi awgeed waxba yaan laysku wareerin waxa Xamar laga yidhaahdo ee teena aynu wadano, dadkeenuna waa inay ogaadaan inaynu nahay umad jirta oo shaqaynaysa, cid aynu u daba-fadhiisanayno gooni isu-taageennuna ma jirto,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories