HomeSomaliland oo ka arrinsatay Qorshayaasha uga yaala Saamaynta Cudurka Ebola iyo Guddi...

Somaliland oo ka arrinsatay Qorshayaasha uga yaala Saamaynta Cudurka Ebola iyo Guddi Qaran oo la filayo in maalinta Berri ah la magacaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan balaadhan oo lagu dejinayey siyaasad-qaran oo ku wejahan ka-hortegga cudurka Ebola si aanu soo gaadhin Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in natiijada kulanka ka soo baxday maalinta berri ah la horgayn doono shirka golaha wasiirrada.

Qorshaha siyaasadda Qaran ee kulan lagu dejinayo oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Caafimaadka, Duulista Hawada, Qorsheynta Qaranka, Laanta Socdaalka iyo hay’adaha ka shaqeeya dhinaca caafimaadka, kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Caafimaadka.

IMG_0114Kulankan oo qabsoomiddiisu shalay oo kali ah ku koobnayd, ayaa go’aamada ka soo baxa loo gudbin doonaa shirka golaha wasiirrada ee maanta oo kale Khamiis kasta ku qabsooma xarunta madaxtooyada, waxaana la filayaa in lagaga dhawaaqo guddi heer qaran oo qaabilsan hoggaaminta siyaasadda kuwa wejahan ka-hortagga cudurka Ebola oo fara-baas ku haya waddamo dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika, meelo kale oo Adduunka ahna lagu arkay, iyada oo laga cabsi qabo inuu ku fidi waddamada kale ee qaaradda Afrika.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo kulankas, ayaa ujeeddada kulanka ku sheegay mid lagaga hortagayo in cudurku si fudud ku soo gaadho Somaliland, isaga oo sheegay in Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) marka laga yimaaddo ay sidoo kale ku soo casuumeen dhamaan daneeyaasha arrimaha caafimaadka iyo Laanta socdaalka, si ay Somaliland uga dyaar-garowdo inaan cudurka Ebola u soo gudbin dalka, maadama oo sida uu sheegay ay jiraan 53 goobood oo ah meelaha la aqoonsan yahay ee dalka laga soo galo.

Wasiir-xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in go’aamada kulan shalay ka soo baxa isla maanta ay wasaarad ahaan u gudbin doonaan shirka golaha wasiirada oo ay sheegtay in lagaga dhawaaqi doono guddi heer qaran ah oo qaabilsan ka hortaga cudurka Ebola.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaa ka hadlay ayaa ku baaqay inaan layska eegin keliya dadka ajaanibka ah ee dibedda ka imanaya balse, dadkeena ama Soomaalida oo guud ahaan ah dad socod badan laftooda fiiro loo yeesho haddii qofku soo maray waddamada xilligan xanuunka loo tirinayo inuu ka jiro

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista oo isaguna kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan amar ku siiyeen shirkadaha diyaaradaha inaanay soo qaadin qof ajaanib ah oo ka soo jeeda waddamada loo tirinayo xanuunkan ama kuwa kale oo aan sidan warqad xaqiijinaysa caafimaadkiisa aan wakhtiga la bixiyey aanu muddo usbuuc ah ka badnayn, waxaanu ballaan-qaaday inay diyaar u yihiin sidii ay ugala shaqayn lahaayeen dhinacyada ay khusayso ee wasaaradda Caafimaadku ugu horeyso.

Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland Gen Maxamed Cali Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidamadooda oo ku sugan dhamaan goobaha laga soo galo dalku amar ku haystaan inay baadhaan qof kasta oo dalka soo gelaya xaaladiisa guud iyo baasaboorka uu sito si loo hubiyo inuu soo maray waddamada xanuunka Ebola wakhtigan ka jiro.

Kulankan Wasaaradda Caafimaadku soo qabanqaabisay, ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood laga joogo codsi xukuumada Somaliland dawladda Ingiriiska kaga dalbatay in taageero laga siiyo dedaalka loogu jiro u diyaar-garowga iyo ka-hortagga cudurka Ebola si aanu u soo gaadhin Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories