HomeSomaliland Oo Itoobiya u Mustaafurisay Tahriibeyaal Sharci Darro Dalka ku soo Galay

Somaliland Oo Itoobiya u Mustaafurisay Tahriibeyaal Sharci Darro Dalka ku soo Galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta  dalka Itoobiya u mustaafurisay 400 oo  qof  oo ah tahriibayaala oo  sifo sharci darro ah dalka ku soo galay, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda qoomiyadaha dalka Itoobiya.

 

Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi, Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gabiley Axmed Caqli Nuur iyo Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa tahriibayaashan ku wareejiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, waxaana dadkaasi lagula kala wareegay magaaladda xadka ku taalla ee Wajaalle.

 

Guddoomiyaha degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi oo ka hadlay tahriibayaashan ay u gudbiyeen dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo si sharci darro ah ku soo gasha dalka Somaliland waxaanu  yidhi “Haddii aanu nahay maamulkii degmada Wajaale, Ciidamada Booliska qaranka iyo ciidamada sirdoonka, dhammaan waxaanu heegan u nahay afar iyo labaatanka saaacadoodba in aanu gacan bir ah ku qaban doono cid kasta oo isku dayda inay  dalka sharci darro ku soo galaan.”

 

Taliyaha saldhiga degmada Wajaale saddex xidigle Kayse Suudi ayaa isaguna ka hadlay tahriibayaashan, waxaanu sheegay in tiradoodu dhan tahay 400 qof, waxaana uu yidhi “Halkan waxa aanu ku haynaa 400 qof oo ah tahriibayaashii dalka soo galay oo ciyaal iyo odayaal ku jiraan oo qaarkood aanay qaan gaadhin.”

 

Taliye ku xigeenka laanta scodaalka ee Gobolka Gabiley Axmed Caqli Nuur ayaa isaguna tilmaamay in Itoobiyaankan ay mustaafuriyeen ay ka kooban yihiin qoomiyadaha degan dalka Itoobiya waxaana uu yidhi “Itoobiyaanku waxa ay iskugu jiraan dad maafiya ah, odayaal inta qoomiyadeed ee Itoobiyanna way ka kooban yihiin. Sidaa darteed waxaan leenahay nimanka Itoobiyaanka qaada haddii ay ka waantoobi waayaan tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadi doonaa.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories