HomeSomaliland oo iftiimisay Ujeeddada ay ka lahayd Bayaan ay ka soo saartay...

Somaliland oo iftiimisay Ujeeddada ay ka lahayd Bayaan ay ka soo saartay Xaaladda Siyaasadeed ee Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland, ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa sheegay in adduunkii xoog iyo maal ba isugu geeyeen dowladda Soomaaliya ee hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, balse ay khasaare iyo guul-darro ka taagan yihiin dedaalkooda.

Wasiir Liibaan waxa uu faahfaahinn ka bixiyey baaq ay dhawaan xukuumadda Somaliland ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kaas oo beesha caalamka loogu caddeeyey mowqifka dowladda Somaliland ee ku aaddan xaaladda dalkaas iyo fashilka siyaasadeed ee ku gedaaman xukuumadda Muqdihso.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Cismaan

Wasiirka oo isbarbardhigayey farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo uu tusaale ugu soo qaatay is-marin waaga mucaadka iyo dowladda Soomaaliya ee dhinaca doorashooyinka, halka uu sheegay in Somaliland ay qabsatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah loona baahan yahay in caalamku ka garaabo farqiga labada waddan.

“Waxay 2 dii sano ee u danbeeyay ku muransanyihiin doorashooyin dadban, oo boqolal qof ay dooranayan madaxweynaha, Somaliland na doorashooyin fara badan baa ka dhacay,” ayuu yidhi wasiirka oo xafiiska ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeed. Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Imikana doorashooyin isku sidkan oo xilligoodii laga soo hor mariyay, ayaa ka dhacaya Somaliland.”

Ku simaha wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay in adduunkii lacag iyo xoog ba iskugu geeyeen Soomaaliya laakin anay waxba is badalin ayuu yidhi.“Adduunkii oo dhami xoogiisi iyo lacagtiisii ba wuxuu galiyay Muqdisho, oo ilaa hada aan wax horumar ah laga gaadhin, haday noqoto dowlad dhis, nabad galyo iyo doorashooyin ba”

Waxa kale oo uu sheegay in baaqii ay dhawaan wasaaradda arrimaha dibadu ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya looga danlaha in caalamka la tuso Sida ay ugu hungoobeen taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Soomaaliya iyo Guulaha la taaban karo ee ay Somaliland qabsatay oo ay tahay inay la shaqeeyaan.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Waraysiga Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories