HomeSomaliland oo Horumarin ku samaynaysa Goobaha Aataarta Qadiimiga ah iyo Digniin loo...

Somaliland oo Horumarin ku samaynaysa Goobaha Aataarta Qadiimiga ah iyo Digniin loo jeediyey Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laasgeel (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay tallaabo adag ka qaadayso Cid kasta oo sifo sharciga baalmaran kula Kacda Keydka Aataarta Qadiimiga ah ee ku yaala dalka oo ka mid ah meelaha Qorshuhu ugu jiro inay wax ka qabato si ay qayb uga qaadato Koboca dhaqaalaha dalka.

Laasgeel_Somaliland (1)Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan tallaabo adag qaadi doonaan ciddii si sharci darro ah u fadhataysata Keydka Ataarta Qadiimiga ah ee dalka oo uu sheegay inay wax weyn ka tari karto soo-jiidashada Dalxiisayaasha caalamka.

Cali Siciid Raygal oo shalay socdaal ku tagay deegaanka Laas-geel oo masaafo ahaan 20 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Hargeysa isla markaana ah meel taariikhiya oo ay ku duugan yihiin hadhaaga ilbaxnimadii umado Kumanaan Qarni hortood ku dhaqnaan jiray dhulka, qayb libaax lehna ka qaadan karta soo-jiidashada Dalxiisayaasha adduunka, ayaa ah meelaha ay xukuumaddu u qorshaynsan inay wax ka qabato, sida uu sheegay wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal.

Wasiirku waxa uu bulshada deegaanka iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay tahay in la ilaashado meelaha taariikhiga ee Laasgeel ka mid tahay.

“Laas-geel waxaan u nimid in aan eegno haddii wax dhibaato ahi haysato sidii wax looga qaban lahaa iyo xaaladeeda guud sida ay tahay shaqaalaha joogaa siday u shaqaynayaan kormeer ayaan ku nimid, waana meel u baahan haddii ay tahay dadka meesha degan. Shaqaalaha wasaaradda ee xaruntan iyo dhammaan cid kastaa waa in ay daryeeshaa oo ay ilaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha iyo Dalxiisku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddii la arko cid si khaldan u isticmaalaysa ataarta waa in sharciga la mariyaa, waana in la ilaaliyaa iyada iyo dhulkeena kale ee qaaliga ah ee la midka ahba. Waa meel aad iyo aad u qurux badan, waxaanay ka mid tahay meelaha dalxiiseyayaashu marka ay dalkeena yimaadaan ay aad iyo aad u xiiseeyaan, xukuumadduna waa meelaha ay isha ku hayso inay wax ka qabato ayay ugu horaysaa,” ayuu yidhi wasiirka Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland.

(Archeological Sites in Somaliland)

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories