HomeSomaliland oo Hormuud ka noqotay Waddamo looga dabbaal-degay Xuska Maalinta Qaranimada Taiwan

Somaliland oo Hormuud ka noqotay Waddamo looga dabbaal-degay Xuska Maalinta Qaranimada Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blank
Wakiilka Taiwan ee Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan JSL

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaalinta hore ka gashay liiska waddamo dhowr ah oo todobaadkii hore lagu qabtay xuska munaasibadda maalinta Qaranimada dalka Taiwan, kuwaas oo lagu soo bandhigay warbaahinta dalkaas.

Munaasibadaha loogu Dabaal-degayo xuska Maalinta Qaran ee Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan) oo ku beegan maalinta Berri ee 10-ka Oktoobar, ayaa lagu qabtay waddamada adduunka qaarkood, kuwaas oo ay ka mid tahay munaasibad nooceeda ah oo markii u horeysay ka dhacda Somaliland.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalka Taiwan, munaasibadaha loogu dabbaal-degayo Sannad-guurada 109aad ee maalinta Qarannimada dalka Taiwan ee la soo bandhigay, ayaa lagu kala qabtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Magaalooyinka California iyo New York ee dalka Maraykanka, magaalada Chennai ee dalka Hindiya, magaalada Sydney ee dalka Australia iyo magaalooyin kale.

Warbixin laga diyaariyey qaabkii loo qabtay munaasibadaha kala duwan iyo masuuliyiintii ka qayb-galay, ayaa loogu soo horeysiiyey munaasibad lagu qabtay xafiiska Wakiilka Dowladda Taiwan ku leedahay magaalada Hargeysa.

Sida hoos ka muuqata ayaa Warbixinta loogu soo bandhigay magacyada magaalooyinka iyo waddamada lagu qabtay xuska maalinta qaranimada Taiwan.

 

1. Hargeisa, Somaliland

Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa casho sharaf ku qabtay caasimada Hargeysa 7-dii Oktoobar si loogu dabaaldego Maalinta Qaranka ee Taiwan, taas oo noqonaysa markii u horreysay ee xafladdan lagu qabto Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa warbixinta lagu sheegay inay munaasibadda casho-sharafta ah ka qayb-galeen marti-sharaf tiradoodu kor u dhaafayso 150 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dawlada, xildhibaano iyo wakiillo ka socday Shirkadaha ganacsiga, aqoonyahanno iyo warbaahinta.

blank
Wakiilka Taiwan ee Somaliland iyo Wasiirro ka tirsan JSL (Xuquuqda Sawirka: Xafiiska Wakiilka Taiwan ee Hargeysa)

Sida ka muuqata Sawirka, Wakiilka dowladda Taiwan Danjire Lou Chen-hwa, ayaa keeg la jaraya Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Hassan Mohammed Ali oo dhinaca bidix ka xiga, Wasiirka Arimaha Gudaha Mohamed Kaahin Ahmed oo dhinaca Midig ka xiga, Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Cumar Cali Cabdillahi iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamoud Cigaal.

 

2. Gobolka California, U.S.A.

Dadka reer Taiwan ee deggan labada degmo ee Los Angeles iyo Orange County ee gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa 4-tii bishan October u dabbaal-degay xuska maalinta Qaran ee Taiwan, iyagoo sameeyey xaflad calan-saarid ah oo lagu maamuusayay Maalinta Qaranka ROC.

blankIn kasta oo aanay dad badani ka qayb-galin munaasibadda sababo la xidhiidha xayiraada Xannuunka Covid-19, haddana waxa xafladda si toos ah looga daawanayay baraha bulshada oo lagu baahiyey.

 

3. Magaalada New York, U.S.A.

Wakiillada Qaramada Midoobay u fadhiya Lix waddan oo xidhiidh dibloomasiyadeed ka dhexeeya Taiwan, ayaa ka qeyb galay munaasibad loo qabtay dabaaldega Maalinta Qaranka ee Taiwan oo ka dhacday magaalada New York Khamiistii shalay.

blankIn ka badan 20 Qof oo Caan ah oo uu ku jiro Hoggaamiyaha Xildhibaannada Dimuqraadiga ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa munaasibadda kaga qayb-galay qaab Online ah oo muuqaalladooda la daawaday, halka qaarkood ay soo direen farriimo laga akhriyey munaasibadda casho-sharafta.

 

4. Magaalada Chennai ee dalka Hindiya

Xafiiska Wakiilka Taiwan ee magaalada Chennai ee dalka Hindiya, ayaa lagu qabtay munaasibad casho sharaf ah oo maalinta xornimada Taiwan loogu dabbaal-degayo Khamiistii shalay.

blankWaxa munaasibadda lagu casuumay oo ka qayb-galay marti-sharaf kala duwan oo ka socday masuuliyiinta gobolka Tamil Nadu oo caasimaddiisa Chennai xarun u tahay Shirkado laga leeyahay dalka Taiwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Hon Hai, Pegatron iyo Wistron.

 

5. Magaalada Sydney, Australia

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka gobolka New South Wales ee dalka Australia, ayaa ka qeyb galay munaasibad casho-sharaf oo 8-dii bishan loo qabtay xuska maalinta Qaranimada Taiwan, taas oo ka dhacday magaalada Sydney.

blankWakiilka Dowladda Taiwan ee Sydney, Fan Huei-chun oo xafladda ka hadlay, ayaa sheegay in dalkiisu ka rejaynayo inay Australia sidii looga wada-hadli lahaa bilowga Heshiiska ganacsiga Xorta ah ee labada waddan isla markaana ay hormuud ka noqoto sidii Taiwan uga mid noqon lahayd Ururka Ganacsiga dalalka ku xeeran badweynta Pacific-ga.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories