HomeSomaliland oo Heshiis Shidaal-qodis ah la Gashay Shirkad Ka Diiwaan-gashan Dalka Norway...

Somaliland oo Heshiis Shidaal-qodis ah la Gashay Shirkad Ka Diiwaan-gashan Dalka Norway iyo Goobta laga Qodayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis shidaal qodis iyo sahamin isugu jirta kula saxeexatay shirkad lagu magacaabo DNO oo laga leeyahay wadanka Norwey, balse fadhigeedu yahay magaalo madaxda dalka Maraykanka ee Washington D.C.

Madasha Heshiiska Waxa goobjoog ka ahaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiirka Arrimaha Debedda, waxaana dhanka Somaliland Heshiiska u saxeexay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cali Ducaale halka dhanka kale uu u saxeexay Guddoomiyaha Shirkadda DNO Norwegian oil company, Mr  Bijan Mossavar-Rahmani.

IMG_1093Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiska cusub ee ay xukumadda Somalilnad la gashay shirkada DNO.
Sidoo kale, Madaxa fulinta ee shirkadda DNO Bijan Mossavar-Rahmani oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah oo midho dhal noqon doona.

IMG_1102Dhanka kale, Qoraal Shirkaddu ku baahisay boggeeda Internetka, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku af garteen Heshiis ay ku qaybsanayaan shidaalka bogcadda ee SL18 oo xukuumadda Somaliland u ogolaatay inay shirkaddani Shidaal ka soo saarto Ceelkaas oo dhulka Xeebta ah ee u dhexeeya Berbera iyo Karin.

“Qalcadan 12,000 ee kiiloomitir oo isku wareeg ah, waxa raaca hawl-gal shidaal raadin ah oo labadan dhinacba isla qaateen inay saliidi ku jirto walina aan la qodin,” sidaa waxaa qoraalkiisa ku sheegay gudoomiye Mossavar-Rahmani, waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay ku taalo Juquraafi ahaan dhulka shirkadu sida weyn diiradda ugu hayso. “Waxaanu si firfircoon uga howl gali  jirnay ilaa 1990-naadkii, gacanka Cadmeed ee Yemen.”

IMG_1112Shirkada ayaa howsheeda ka bilaabi doonta qalcadda (Block SL 18) iyadoo meelo badan oo kalena sahamin doonta sida qorshuhu yahay sanada 2014-ka.

DNO International ASA ayaa ah shirkad ka diwaan gishan waddanka Norwey, xooggana saarta shidaal qodista Bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika, waxaanay Qoditaanka shidaalka iyo saliidda ku haysataa Liisamada 18 waddan oo kala duwan, iyada oo horumarin iyo shidaal qodis bada gunteeda iyo Barigaba ah ka samaysay gobolka Kurdistan ee wadanka Ciraaq, Jamhuuriyada Yemen, Saldanada Cumaan, Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyada Tuuniisiya iyo hadda oo ay ka bilaabayso Somaliland.

IMG_1114Waa shirkaddii saddexaad ee heshiis shiidaal baadhis ah la gasha Somaliland sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay, iyada oo wasiirka macdanta iyo Biyuhu ku sababeeyey sida shirkadaha Caalamiga ahi u danaynayaan shidaalka ku keydsan Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories