HomeSomaliland oo Heshiis-ganacsi la gashay Shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia

Somaliland oo Heshiis-ganacsi la gashay Shirkadda Diyaaradaha ee Air Arabia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SHARJAH (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta heshiis la saxeexday Shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia sidii ay dalka uga bilaabi lahayd duullimaadyo toos ah oo ku timaaddo garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera.

079A8419Wasiirrada Duulista Hawada iyo Gananacsiga Somaliland oo shalay socdaal ku gaadhay magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta la kulmay masuuliyiin ka socday shirkadda Air Arabia halkaas oo ay qalinka ku duugeen heshiis saldhig u ah inay shirkaddaasi duulimaadyo ka samayso Somaliland.

079A8367Laba Wasiir oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Shirkadda Air Arabia, ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Sharjah oo ah xarunta guud ee shirkaddaasi ku leedahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanay indho-indheeyeen adeegyada kala duwan ee madaarkaasi leeyahay.

079A8357Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi mar uu shalay ka hadlayey ujeeddada socdaalkooda markii ay ka dageen garoonka magaalada Sharjab, ayaa yidhi, “Waxaan halkan ugu nimi socdaalkaasi oo ay nagu martiqaadeen shirkada diyaaradaha ee Air Arabia. Ujeedada ugu weyn ee socdaalkani xambaarsan yahay waxa weeye inaanu shirkadaha ka wada hadalno arrimo ganacsi iyo maal-gashi.”

079A8290Wasiirku waxa uu intaas ku ladhay, “Dhinaca kale arrimaha noocaas ah waxaanu bisaylkeeda iyo fahamkeeda leenahay inay u baahan yihiin taxadar iyo inaanu ka turjunno masaalixda ummadda,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

079A8369Md Maxamuud Xaashi oo bishii sagaalaad ee sannadkii hore u warramayey majaladda ka faalloota duulimaadyada ee Routesnews, ayaa sheegay in diyaarado Air Arabia ka mid tahay ay duullimaadyo toos ah ka bilaabi doonaan madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

“Air Arabia, Yemen Airways iyo South African Airways, ayaa intooduba xiisaynayaan inay adeegyadooda duulimaadyada ku soo daraan Somaliland.

“Shirkadda Air Arabia ayaa nagu dhiirri-gelisay xiisaaha ay u qabto inay Madaarka  Caalamiga ah ee Berbera ka dhigayo Marin ganacsi oo isku xidhaya Duullimaadyadeeda Galbeeka Afrika,” sidaa waxa yidhi wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories