HomeSomaliland oo hay'adda ICRC ku wareejisay 14 Maxbuus oo u dhashay Maamul-goboleedka...

Somaliland oo hay’adda ICRC ku wareejisay 14 Maxbuus oo u dhashay Maamul-goboleedka Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa  ka dhoofisay 14 maxbuus oo ciidamada Qaranku ku soo qabteen dagaallo dhexmaray Maamul-goboleedka Puntland, waxaaana maxaabiista lagu wareejiyey hay’adda ICRC.

blank

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada, ayaa si maamuus leh u sii sagootiyey maxaabiista oo tiradoodu ahayd 14 Maxbuus oo oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka.

blank

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegi doonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi,  Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland.

blank

Ugu dambayn waxa Maxaabiista  la wareegay hay’adda  ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories