HomeSomaliland oo Guddi u magacowday Ka Qayb-qaadashada Taakuleynta Shacabka Magaalada Beledweyne

Somaliland oo Guddi u magacowday Ka Qayb-qaadashada Taakuleynta Shacabka Magaalada Beledweyne

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa Magacowday Guddi ka kooban 19 Xubnood oo Dalka gudihiisa ka ururrinaya qaadhaan la doonayo in loogu gurmado Dadka reer Beledweyne ee Webiga Shabeelle ku fatahay isla-markaana Hantidoodii iyo Guryahoodii baa’biiyey.

blankGuddigan oo uu Magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa loo sameeyay inay Ciddii ka qayb-qaadanaysa Gurmadka loo fidinayo Shacabka magaalada Beledweye ee Soomaaliya ka qabtaan waxay bixinayaan, noqdaan Guddiga guud ee ururinaysa qaadhaanka.

Shacabka Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ee dalkaasi Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba ka baro-kacay magaaladaas kaddib markii uu ku fatahay Webiga Shabbeele ee Dhexmara magaaladaas, iyadoo inta badan magaalada ay dhex jiifaan biyaha webiga oo kala xidhay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa iyo isu socodka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo ku dhawaaqaya Guddigaasi ayaa sheegay oo yidhi “Waxaan Magacaabay Guddi dhexe oo ururisa qaadhaanka loo gurayo Beledweyne, maaddaama oo Maalmihii aynu soo dhaafnay Somaliland laga abaabulayey Qaadhaan ururin, gaar ahaan Burco, Laascaanood, Boorama. Si aynu qaadhaankaa u midayno Guddi dhexe oo lagu soo ururiyo ayaanu Magacownay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna nagu booriyey inaanu hawshaa galno, isaguna diyaar buu u yahay markaanu soo gebogabayno in Xukuumaddu si weyn oo Miisaan leh uga qayb-qaadato, sidaas ayaanuna ku ballansanahay.

  1. Jamaal Caydiid Ibraahim oo ka socda Rugta Ganacsiga JSL
  2. Kayse Shukri jaamac (Daryeel)
  3. Maxamed Axmed faarax (Food)
  4. Sheekh Ciise Maxamuud Cabdillaahi
  5. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ka socda Dahabshiil
  6. Sheekh Maxamed Cali Geeddi
  7. Sheekh Axmed Aadan Buuxsane
  8. Cabdiwahaab Maax Maxamuud oo Telesom Group ka socda
  9. Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
  10. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
  11. Xasan Axmed Xuseen (Xasan Bulbul) oo ka socda Sompower
  12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  13. Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe) oo ah Guddoomiyaha Waraabe Group.
  14. Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole
  15. Farxaan Liibaan Axmed oo ah Shirkadda Liibaan
  16. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
  17. Abwaan Yuusuf Shaacir
  18. Xamse Cumar Ku-joog
  19. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo Hass Petrolium ah..”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Webiga Shabeelle oo Beledweyne ka baro-kiciyey Dad gaadhaya illaa 300 kun oo Qof, xilligana ay jiraan Xanuuno badan oo ka dillaacay deegaanka Beledweyne, sidaasi darteed wuxuu Dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay gurmadkaa ka qayb-qaataan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories