HomeSomaliland oo gargaar bani'aadanimo gaadhsiinaya Xeryaha Qaxoontiga Muqdisho iyo Dhadhaab

Somaliland oo gargaar bani’aadanimo gaadhsiinaya Xeryaha Qaxoontiga Muqdisho iyo Dhadhaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)-  Laba wefti oo ka kooban lix xubnood oo uu horkacayo wasiirka diinta iyo awqaafta ee jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil, ayaa berri u kala ambo-baxaya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi si ay u gaadhsiiyaan lacagtii gargaarka ahayd ee laga ururiyey shicibka iyo ganacsatada reer Somaliland.

Kooxdan berri socdaalaysa ayaa waxa ka mid ahaa abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Guddoomiyaha gudoomiyaha  rugta ganacsiga, Mudane Xasan Cabdi Cawad oo iyagu u socdaalay magaalada Muqdisho, halka wasiirka iyo xubnihii la socday u baqooleen dhankaas iyo dalka Kenya si ay qaadhaanka u gaadhsiiyaan xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab.

Lacagta deeqda ah oo gaadheysa $700 Kun oo Dollar ayaa noqotey mid qaar ma mid ah culimada diinta ee ugu waaweeyn iyo dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay ka muujiyaan dareen iyo shaki, iyaga mar walba ay dooddoodu ahayd in aanay xaq ahayn lacagta Xamar la geeynayaa,iyada oo la wada ogyahay in bishan gudeeheeda ay jireen dad macaluul ugu dhintey caasimadda dalka.

Dhinaca kalena waxa jirey warar xog ogaal ah oo tibaaxayey in madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif, uu diidey in lacagtaas la keeno Xamar, iyada oo huwan magaca Somaliland, sidaa darteedna ay khasab noqotey in loo gudbiyo hab deeq hay’adeed oo kale, oo aanay ku magacawnayn Jamhuuriyadda Somaliland, arrintan oo mar labaad sii xoogeysey dareenka lagaga soo horjeedey gudbinta lacagtan.

Xubnaha safarkan ugu kicitimey magaalada Muqdisho ayaa mar ay saxaafadda u warramayeen, waxa ay ujeeddada safarkooda ku koobeen gubinta lacagtan oo keliya, hase yeeshee dad badan oo ka mid ah shicibka, isla markaana mintid ku ah qaddiyadda goonni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland ayaa u arka in ay tani tahay furitaanka waddo halaq mareen ah, iyada oo weliba si gaar ah farta loogu fiiqayo dad ku jira guddigan oo hore loogu tirinayey in ay u nugul yihiin xodxodashada reer Muqdisho.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories