HomeSomaliland oo Dowladda Jarmalka ka dalbatay inay soo faro-geliso Wada-hadallada Soomaaliya

Somaliland oo Dowladda Jarmalka ka dalbatay inay soo faro-geliso Wada-hadallada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Markus Bollmohr.

IMG_1001Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka labada dal u dhexeeya iyo sidii ay dawladda Jarmalku kaalin muuqata uga qaadan lahayd horumarka ay xukuumaddu waddo iyo qorsheyaasha mustaqbalka soo socda.

IMG_1019Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa natiijada kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda dalka Jarmalka faah-faahin kooban ka bixiyey, waxaana uu sheegay inuu madaxweynuhu weftiga ka codsaday inay gacan ka geystaan xaalado door ah oo Somaliland ku gedaaman, kuwaas oo ay ugu horreeyaan abaaraha gobollo dalka ah kasoo cusboonaaday iyo sidii ay dawladda Jarmalku gacan ugu geysan lahayd inay caasimadda Hargeysa hesho biyo ku filan, waxaana uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu u bandhigay  weftiga Barnaamijka horumarineed ee xukuumadda, waxaana uu ka codsaday inay xukuumadda gacan ka siiyaan gurmadka iyo gargaarka abaaraha kasoo cusboonaaday gobollo dalka kamid ah, mashruuca biyo balaadhinta Geed-deeble oo ay qayb ka yihiin ay dedejiyaan, isla markaana ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshaha labaad ee qaran ee shanta sano ee soo socota (NDPII),  iyo Inay dib u hawlgeliyaan Dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, gaar ahaan dugsigii farsamada gacanta ee gobolka Togdheer.”

 IMG_1063

Afhayeenka madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu sidoo kale madaxweynuhu kulankaas weftiga kaga codsaday inay gacan ka geystaan wada-hadallada ay Somaliland kula jirto dhiggeeda Soomaaliya, isaga oo ku wargeliyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii ay sanadka soo socda ee 2019-ka u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu.

Dhinacooda weftiga safiirku waxa ay madaxweynaha ku hambalyeeyeen hawlaha horumarineed ee xukuumaddu waddo, waxaana ay soo dhaweeyeen dhammaanba arrimaha uu madaxweynuhu kala hadlay.

Safiirka dalka Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Markus Bollmohr, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan diyaariyeen qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, Biyaha, Xoolaha iyo waddooyinka, gaar ahaan waddada isku xidha magaalo-ganacsiyeedka Wajaale iyo caasimadda Hargeysa, taas oo ahmiyad weyn u leh isu socodka ganacsiga dalalka Somaliland iyo Ethiopia, xafiiska  ay Somaliland ku leeyihiin ee GIZ-na ay ballaadhin doonaan.

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories