HomeSomaliland oo Dowladda iyo Ganacsatada Taiwan u Bandhigtay Maalgeshiga Kheyraadkeeda Dihin

Somaliland oo Dowladda iyo Ganacsatada Taiwan u Bandhigtay Maalgeshiga Kheyraadkeeda Dihin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Taiwan waxa ay xidhiidhka Somaliland ku tilmaantay Guul Dublomasiyeed oo Xukuumaddeedu gaadhay

Taipei (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay gaadhay dalka Taiwan, ayaa Arbacada maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsai Ing-wen oo qasriga madaxtooyada ku qaabishay

blankWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd, waxa uu sheegay in muhiimadda socdaalkooda ee Taiwan ka tarjumayo qiyamka guud ee ay labada waddan wadaagaan isla markaana lagu sii xoojinayo xidhiidhka dublomaasi iyo ganacsi ee Taiwan iyo Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd waxa uu kulanka ku soo bandhigay fursadaha maalgeshi ee ka bannaan Somaliland oo ay ugu horreeyaan kheyraadka dabiiciga ah, waxaanu wasiirku sheegay inay soo dhaweynayaan maalgeshi iyo xidhiidh ganacsi oo shirkadaha waaweyn ee Taiwan ka sameeyaan Somaliland.

Dr Ciise oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu yidhi, “Somaliland waxay leedahay kheyraad dihin oo si fudud looga faa’idaysan karo hadday tahay dhinacyada macdan-qodista, Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah iyo sidoo kale dhuxul-dhagaxda. Waxaanu dhiirigelineynaa, muhiimadda koowaadna siinaynaa Kor-u-qaadista ganacsiga iyo fursadaha maalgashi halkii aan ku tiirsanaan lahayn mucaawimooyinka.”

blank
Madaxweynaha Taiwan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Madaxweynaha Taiwan Mrs Tsai Ing-wen, ayaa bogaadisay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland oo ay ku tilmaantay guushii ugu muhiimsanayd ee ay xukuumaddeedu ka gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda muddadii ay xilka haysay, iyadoo hadalkeedan ku sababaysay muhiimadda juquraafi ahaan Somaliland u leedahay suuq-geynta badeecadaha lagu farsameeyo gudaha dalka Taiwan.

blankMadaxweynuhu waxa ay sheegtay in Somaliland fure u tahay bilowga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi oo Taiwan la yeelato dalalka Afrika maadaama oo marka Somaliland laga reebo, waddanka kaliya ee xidhiidhka la leh Taiwan yahay dalka Koonfurta AFrika ku yaalla ee Swatini (Swaziland).

“Somaliland iyo Taiwan waxay wadaagaan qiyamka dimuqraadiyadda caalamiga ah. Xilligan, Somaliland waxay noo tahay bogcad muhiim ah oo ku taalla Bariga Afrika oo marin u noqonaysa mashruuca Taiwan ee Afrika,” sidaas ayay tidhi madaxweynaha Taiwan.

blankDhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan oo weftiga Somaliland ku qaabilay kulan hadhimo-sharafeed ah, kaas oo hordhac u ah kulan ballaadhan oo wasiirradu maalinta Berri la qaadan doonaan madaxda shirkadda Shidaalka ee CPC.

blankWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd, waxa safarka ku weheliya Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cumar Cabdilaahi Bade, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed.

Taiwan iyo Somaliland ayaa badhtamaha sannadkii 2020-kii si ramsi ah u bilaabay xidhiidh dibloomasiyeed, iyagoo labada dhinacba xafiisyo wakiil ah danaha labada waddan ka furay magaalo-madaxyada Taipie iyo Hargeysa isla sannadkaas.

Taiwan ayaa ka taageerta Somaliland dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories