HomeSomaliland oo Diyaaradaha QM ka mamnuucday Madaaradeeda, si adagna u cambaareysay Go’aanka...

Somaliland oo Diyaaradaha QM ka mamnuucday Madaaradeeda, si adagna u cambaareysay Go’aanka ay lagu afduubayo Mamulka Hawada Sare ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Maxamuud Xaashi
Maxamuud Xaashi

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalkeeda ka madnuucday inay ka soo degaan kana duulaan Diyaaradaha qarramadda Midoobay laga bilaabo Lixda Subaxnimo ee Berto ee 15-ka Bishan May, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa.

Wasiirka Duulis Hawadda Somaliland wuxuu ku dooday inay dawladiisu joojisay xidhiidhkii ay Qaramada midoobay kala lahayd Maamulka Hawada Somaliland, lagana bilaabo bishana ay toos u maamulayso Hawadeeda, isla markaana ay meesha ka saarayso iskaashi kasta oo qaramada midoobay ay kala lahaayeen Maamulka Hawada Soomaaliya.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka digay inay cawaaqib xumo ka dhalanayso hadii muran iyo khilaaf laga abuuro Maamulka Hawada Soomaaliya.

Go’aanka Xukuumadda Somaliland ee wasiirku ku dhawaaqay, ayaa daba socda hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Gaadiidka Cirka ee Soomaaliya, kaasoo sheegay inay qaramada midoobay si rasmiya ugu wareejisay dawlada Federaalka Maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa Maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dawlada Federaalka ah, taasoo uu ku tilmaamay mid gef ku ah Qaranka somaliland, dhaawacaysana degenaanshiyaha iyo Iskaashiga Qoomiyadaha Somalida, siiba somaliland iyo Soomaaliya oo 22 sanadood ka hor noqday laba dawladood oo siman waa sida uu hadalka u dhigaye “Ma aqblayno in Hawada Somaliland laga maamulo Muqdisho, talaabada ay qaramada midoobay qaadayna waanu cambaareynaynaa, mana ah mid aanu u hogaansamayno”ayuu yidhi Wasiir Xaashi

Sidoo kale waxa uu Iclaamiyay Go’aan uu ku sheegay mid ka soo fulay Xukuumadiisa kaasoo diyaarahada UN-ka laga madnuucayo Somaliland “laga Bilaabo Lixda Subaxnimo ee Berrito diyaarad ay leedahay qaramada kama soo degi karto Madaarada somaliland, kamana duuli karaa kuwa iminka fadhiyaa,ilaa arintan go’aan dambe laga gaadhayo”ayuu yidhi.

Sidoo kale wuxu sheegay, “waxa kale oo aan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo, dawlada somaliland wixii ka dambeeya 15 Bisha July, iyadoo maamulaynaysa Hawadeeda, wixii lacag cashuur ahna annagga ka qaadanayna,”ayuu yidhi.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin culus u diray beesha Caalamka, “Somaliland way la garnaqasanasaa Beesha Caalamka, waana ka garhelaysaa, Somaliland nabada way taqaanaa, Coolada waa taqanaa, labadaa kii lagula dhaqmo ayuunbaanay ku taagantahay.”

Hadalka ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland, ayaa daba socda hadal ka soo yeedhay Wasiirka Hawada Soomaaliya mr Ciil-mooge ku shaaciyay in si rasmiya loogu wareejiyay dawlada federaalka Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, ka dib qoraal uu raysal wasaaraha Soomaaliya u qoray Qaramada Midoobay, kaas oo QM kaga Jawaabtay inay Maamulka Hawada Sare ee Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, lagu wareejiyo dawladda Muqdisho, arrintaas oo Somaliland u Cuntami weyday.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories