HomeSomaliland oo Diiwaangelinaysa Macalimiinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka

Somaliland oo Diiwaangelinaysa Macalimiinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa macalimiinta ka hawl-gasha gudaha dalka ku wargeliyay in dhammaadka sannadkan macalinka aan haysan liisan ay wasaaraddu bixinayso aanu Somaliland macalin ka noqon karin, waxna ka dhigi karin.

Wasiir Toorno waxaa uu xusay in shuruudaha looga baahan yahay macalimiintu marka ay qaadanayaan liisanka in sitaan waraaqda danbi la’aanta, waraaqda caafimaadka, iyo in darajada macalinku wax ugu dhigaya ardayga inay tahay mid ka sarraysa ta ardayga uu wax ku baro.

“Dhammaadka sannadkan macalinka aan liisan haysan, Somaliland macalin kama noqonayo ee ogaada, anaga oo idin ixtiraamayna duruufihii aad ku soo shaqeyseena og. Saddex shuruudood ayaa ku xidhan macalinimada, in macalinku haysto shahaado darajo ka sarraysa darajada uu ardayda wax ugu dhigayo, haddii uu dugsi sarre wax ka dhigayo waa in uu jaamacad ka baxay, haddii dugsi hoose dhexe wax u dhigayana waa in uu dugsi sarre ka baxay, haddii uu arday jaamacadeed wax u dhigayana waa in uu PHD sito,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Toorno oo hadal ka jeediyey munaaasibad lagu xusay maalinta macalinka adduunka oo Hargeysa lagu qabtay.

Wasiirka oo ka hadlayey shuruudaha looga baahan yahay qaadashada liisanka macalimiinta, waxa uu yidhi, “Sidoo kale waxa looga baahan yahay waraaqda danbi la’aanta, isla markaana uu soo caddeeyo in aanu danbi lahayn, sababto ah qofku danbi wuu geli karraa, marka qof maxkamaddii xukuntay oo danbi lagu helay arday laguma aamini karro, shaqo kale ayaa loo diraya waxaana la odhanaya arday waxba u dhigi maysid.

Waxaa kale oo laga rabba waraaqda caafimaadka, in aanu qabin xannuunada neefta lagu kala qaado, haddii kale xannuunkii ardayda ayuu ugudbayaa, balse macalinka xannuunsada ma eryayno ee waynu daweynaynaa, marka uu bogsado ayaynu shaqada ku soo celinaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Qorshaha uu kaga dhawaajiyey Wasiir Toorno ayaa noqonaya markii u horeysay ee liisan diiwaangelin ah loo samaynayo macalimiinta ka hawl-gala gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories