HomeSomaliland oo dariiq Cusub u Jeexaysa Siyaadaddeeda Ku wejahan La-Macaamilka Waddamada Jimciyadda...

Somaliland oo dariiq Cusub u Jeexaysa Siyaadaddeeda Ku wejahan La-Macaamilka Waddamada Jimciyadda Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Wasaaradda Khaarajiga ayaa sheegtay in xukuumadda Somaliland ay diirada saarayso sidii ay wax wada qabsi iyo iskaashi ula yeelan lahayd jaamacada carabta, waxaana maanta u kicitimay dalka Masar oo ay marti-qaad ka heleen Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Sam-sam Cabdi Aadan.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed caawa ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradaasi Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somalilland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis oo ay ku weheliyaan wasiirada waxbarshada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda siyaasadda ee wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maanta oo ay bishu tahay 24/10/2013 safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Qaahira ee xarunt dalka Masar, safarkan waxa uu ku yimi casuum rasmi ah oo ka timi Wasiirka khaarajiga dalka Masar.

Maxamed Biixi Yoonis

Weftigu waxa ku sugnaan doonaa dalka masar muddo 5 maalmood ah oo ay kulamo kala duwan la yeelaan doonaan Wasiirrada khaarajiga iyo waxbarashada ee dalka masar, taasoo lagaga hadli doono xoojinta cilaaqaada labada dal ee somaliland iyo masar iyo siddii dalka masar inooga caawin lahaa xaga waxbarasha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka Masar siiyo Somaliland, iyo sidii maalgashi dalka masar uga sameyn lahaa dalka Somaliland.

Dhanka kalena weftigu waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha uga sareysa jamacadda carabta oo lagaga hadli doono sidii Somaliland iyo jaamacada carabtu xidhiidh iyo iskaashi u yeelan lahaayeen. Safarkan waa safarkii ugu horeeyay ee wasiirka khaarajiga Somaliland ku tago dalka masar intaa uu xilka la wareega bilo ka hor.”

Somalilandpost

Hargaysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories