HomeSomaliland oo dalkeeda ka mastaafurisay 190 Qof Itoobiyaan ah oo Cudurro kala...

Somaliland oo dalkeeda ka mastaafurisay 190 Qof Itoobiyaan ah oo Cudurro kala duwan qabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Laanta Socdaalka Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka oo is-kaashanaya, ayaa Khamiistii Caasimadda Hargeysa ka fuliyey hawlgal ay ku qabqabteen ku dhawaad laba Boqol oo Ruux oo Cudurro kala duwan qabay, isla markaana Bulshada ku dhex-jiray, kuwaasoo markii baadhitaanno lagu sameeyey ka dib loo qaaday dhinaca Wajaale, halkaasoo ay Laanta Socdaalka Itoobiya ee Wajaale ku wareejiyeen dadkaas oo markii horeba dalka ka soo galay dhinaca Itoobiya.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cumar Yuusuf (Ina-Cambaro), ayaa Waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Himilo arrinta dadkan wax kaga weydiiyey, ku sheegay inay dadkaasi qabeen xanuunno kala duwan oo qaarkood kuwa faafa yihiin, isla markaana si loo ilaaliyo Caafimaadka dadka ay sameeyeen hawlgalkaas, waxaanu yidhi; “Anigoo ah Madaxa Socdaalka Somaliland, waxaannu maanta (Khamiistii) hawlgal ka bilawnay dhammaan goobaha naloogu soo tilmaamay dadka caafimaad-darradu hayso, iyagoo Koox Wasaaradda Caafimaadka ka tirsani nala socdeen. Shaqadayadu waxay tahay xagga Ammaanka, Dhaqaalahaba iyo Caafimaadkaba waannu ka shaqaynaa.”

Taliye-Cambaro“Sidaas darteed, qayb shaqadayada ka mid ah ayaa ah inaannu ka hawlgallo arrimaha caafimaadka iyo Cudurrada faafa, sida Juudaanka, Beer-xanuunka, Dadka sida foosha-xun uga dawarsada Suuqyada ee Luguhu Barbareen ama Calooshu xanuunayso iyo kuwa Indho-la’aanta soo muujiya si ay ugu dawarsadaan, annagoo dabagal ku tegnay goobaha ay dadkaasi fadhiistaan iyo Baabuur Noohooyin ah oo sida Ganacsiga dad ku adeegsadaan, qaarkoodna iska diiwaangeliyaan Hay’adda Qaxoontiga iyadoo aanay waxba ka jirin.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.

Waxaanu Taliyuhu intaa ku sii daray; “Markaa, maanta (Khamiistii) waxaannu ka hawlgalnay xagga Caafimaadka, Basar-xumada iyo Dhaqan-xumada dadka dadka ku haya annagoon xagga sharciga iyo sharci-darrada toona ka eegayn waxay ahayd hawshan aannu ka shaqaynaynay annaga iyo Wasaaradda Caafimaadkuba hawsha Nadaafadda iyo Caafimaadka. Sidaa darteed, dadka aannu qabannay waxaannu geynay goob caafimaadkooda lagu baadho, markaa wixii caafimaad-darro haysay waxaannu geynay dhinaca shishe ee Xadka Itoobiya iyo goobaha ay ka soo galeen.”

“190 Qof bay ahaayeen marka Ciyaalka lagu daro, laakiin 171 bay ahaayeen dadka waawayni oo Rag iyo Dumar-ba isugu jira. Waxay ahaayeen dad Gacmo go’an, Cago Bararsan iyo Xanuunno kale qaba, oo Caafimaad-darro fidinayey. Markaa, waxaannu ka hawlgalnay goobo kala duwan oo Cidhiidhi ah oo magaalada Hargeysa ah. Markaa, weli qaybtii sharci-darrada maannaan gelin oo waa jare noo taagan, laakiin hadda waxaannu ka hawlgalnay uun caafimaad-darrada annaga oo Wasaaradda Caafimaadka la kaashanayna.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay tirada dadka ay shalay ku wareejiyeen dawladda Itoobiya ee ay ka qabteen magaalada Hargeysa.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo aannu weydiinnay inay dawladda Itoobiya kala wareegtay, iyo inuu sii soconayo hawlgalkani, inuu caasimadda ku kooban yahay iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Wajaale ayaannu geynay, dawladda Itoobiya way nagala wareegtay 190 qof, hawlgalku wuu socon doonaa, goobo aannu sahansannay baannu tegi doonnaa illaa caawa illaa berri  (xalay illaa maanta). Caasimadda ayaannu ka sifayn doonnaa dadkaas, ka dibna gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa laga fulin doonaa hawlgalkan.”

Sidoo kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cumar oo ka jawaabayey waxa wakhtigan ku khasbay bilawga hawlgalkan, maaddaama oo dadkani muddo dalka joogeen, waxa uu yidhi; “Waxa nagu khasbay annagoo muddo sahaminaynay, muddadii Ramadaantuna ay dhammaatay, dadkuna ay si fiican sadaqaddii iyo sakadiiba u qaateen, dadkuna ay dad Islaam ah ahaayeen, annagoo ugu naxariisannay wakhti ay Jicsinkooda haystaan baannu la beegsannay, iyagoo xad-dhaaf badan sameeyey oo Ramadaantii aad u soo batay.”

Gebo-gabadii Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cumar Yuusuf, waxa uu soo jeediyey oo yidhi; “Waxaannu u gudbinaynaa dad aynu jaar nahay oo qaar Islaam yihiin, aynu nahay dal sharci leh, dadka Cudurrada faafa qaba in la joojiyo, qaarkood dadkan waxay ka soo baxsadeen xarunta Bisi-diimi la yidhaahdo, markaa waxaannu leenahay waa inay Waaxda Socdaalku nagu soo wargelisaa. Bulshada Somaliland-na waxaan leeyahay dadka sida foosha-xun Gidaarrada u yaalla ama Caafimaad-darrada fidinaya, kuwa Beer-xanuunka (Jooniska qaba), markaa iyadoo Wasaaradda Caafimaadku wararkan ay na soo siisay dhammaan ku tallaabsannay inay Bulshadu iska ilaaliyaan dadkaas, wargelinna soo gaadhsiiyaan Laanta Socdaalka iyo Wasaaradda Caafimaadkaba. Markaa, immika tallaabadan aannu qaadnay waa mid Caafimaad, tii Ammaanka iyo Sharci-darraduna way noogu xigaan haddii Allaah yidhaahdo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories