HomeSomaliland oo dadka soo-galootiga ah ku amartay inay 30 maalmood dalkooda kaga...

Somaliland oo dadka soo-galootiga ah ku amartay inay 30 maalmood dalkooda kaga baxaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa walaac weyn ka muujisay dadka soo galootiga ah ee ku soo qulqulaya magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, isla markaana waxay u muddaysay inay soddon cisho gudohood dalka kaga baxaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku shaacisay in muddo soddon maalmood gudahooda ay Somaliland kaga baxaan dadka aan sharciga ku joogin. Go’aankaas ayaa saamaynaya illaa iyo siddeetan kun oo qof oo soo galootiya oo Somaliland ku sugan, hase ahaate Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegaysa inaanu wax saamayn ah ku yeelanayn dadka ka soo cararay abaaraha iyo dagaallada ka jira koonfurta Somaliland.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) ayaa Warbaahinta uga warramay waxa uu yahay go’aanka ay ka soo saareen soo galootiga. “Nuxurka go’aankani waxa weeye Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa masuul uga ah Xukuumadda, waxaanay soo saartay go’aan qeexaya oo odhanaya in soddon cisho gudahood oo laga bilaabo maanta (shalay) ay dadka dalka sharci-darrada ku joogaa kaga baxaan cidkasta oo uu yahayba.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi-Balaaki.

Mar Agaasimaha waxa laga waydiiyey cidda ay ula jeedan inay dalka ka baxaan waxa uu yidh; “Waxaannu ula jeednaa dadkaasi maaha dadka barakacayaasha ah ee ka yimi dhinaca Soomaaliya. Waa dadka dalka sharci-darrada ku jooga ee dalalka aynu jaarka nahay iyo qoomiyadaha kalaba isugu jira.”

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyey inay dadka wax tiro-koob ah ku sameeyeen iyo in kale waxa uu yidhil; “Haa tiro-koobka aannu sameynay maaha mid rasmiy ah, laakiin tiro-koobka aanu haynaa waa dad siddeetan kun illaa boqol kun u dhexeeya oo dalka ku filiqsan waana kuwaa kuwa uu go’aankani khuseeyo.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Daakhiliga Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay gaaban tahay muddada loo qabtay inay dadkaasi dalka kaga baxaan iyo waxay tahay tallaabada xigta taas ee ay Xukuumaddu qaadi karto waxa uu yidh; “Shuruucda dalka u taalla ayuunbaa la waafajinayaa qofkasta oo dalka sharci-darro ku jooga oo maalinta la helo waxa uu mudanayaa cawaaqibka uu sharcigu siinayo ama uu qabo ayaa la waafajinayaa iyo qofkasta oo muwaaddina oo gacan ku siiya inuu qofka dalka ku haya-ba.”

Mar waxa laga weydiiyey Agaasimaha inay dadkaasi dalka iska yimaaddaan maaddaama oo ay Xuduudaha Somaliland furan yihiin iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi; “Waxaannu bixinnay amar cad oo yaalla dhammaanba Xuduudaha dalka laga soo galo oo ahaa in qof aan dalka sharci ku soo galini aanu soo gali karin dalka, waana amar guud oo la bixiyey oo dalka oo dhan ah.”

Sidoo kale, waxa la weydiiyey Agaasimaha in dalka Itoobiya ay kala hadleen arrintan maaddaama oo ay muwaaddiniinteeda samaynayso amarkan Somaliland soo saartay, waxa uu ku jawaabay; “Haa, waannu kala hadallay oo waxaaba jira shirkii ugu dambeeyey ee aannu dawladda Itoobiya kula yeelannay Jigjiga. Waxyaabaha laga wadahadlay ee labada dal ka wada hadleen ayaabay ka mid ahayd oo wixii laga heshiiyayna way ku jirtay.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay jiraan dad magan-geliyo ka haysta dalka inay ku jiraan kuwa dalka laga saarayo iyo in kale waxa uu yidhi; “Ruqsadda laftigeeda annaga Wasaarad ahaan bixinna dalkana waxa laga bixiyey oo ruqsad u haysta afar boqol iyo toddobaatan qoys oo degganaansho qaxoontiya oo dalka ka haysta. Ma khusayso kumana jiraan kuwaasi oo aqoonsi qaxoontinimo oo kaadh la bixiyey ayay haystaan, mana khuseeyo go’aankani.”

Gebagabadii waxa Agaasimaha la weydiiyey in xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland go’aankani wax samayn ah ku yeelan karo iyo in kale waxa uu ku jawaaay; “Wallaahi wax ay nagu yeelanaysaa ma jirto oo dal walba shuruucdiisa annaga oo fulinayna  oo raacaynaa shuruucaha dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Dalkayaga cidna ugama daba-joogsanayno wixii shuruuc ah ee uu leeyahayna waannu fulinaynaa.”

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories