HomeSomaliland oo Daan-daansi ku tilmaantay Saanad-Milatari oo Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya

Somaliland oo Daan-daansi ku tilmaantay Saanad-Milatari oo Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dareen-celisay saanad-milatari oo Jimcihii shalay Dowladda Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya xilli ay dalka Maraykanka safar shaqo ku joogaan madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hooggaaminanayo.

blank
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Somaliland

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile oo arrintan ka hadlay, ayaa qalabka ciidan ee dowladda Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya  ku tilmaamay talaabo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Maxamed Cali Bile oo qoraal ku baahiyay bartiisa Twitterka, waxa uu taageerada millateri ee Shiinaha ku sifeeyey daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan.

“In uu Shiinuhu agab millateri siiyo Soomaaliya xlili Madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Maraykanka, maaha isku soo aad caadi ah, laakiinse waa daan-daansi la doonayo in lagu waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyo iskaashiga soo baxaya ee Maraykanka” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cali Bille.

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha, ayaa xumaaday tan iyo markii ay sannadkii 2020 xidhiidhka la yeelatay Taiwan, sidoo kale xidhiidhkan ayaa uga sii daray xidhiidhka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya oo aan awalba fiicnayn.

Somaliland ayaa isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saaxiib qadiimi ah la ah, waxayna u aragtaa fursad ay reer galbeedka kaga heli karto taageero la mid ah ta ay Taiwan siiyaan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa tartanka gobolka Geeska Afrika ay ugu jiraan waddanka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo u warramay warbaahinta TheWorld shalay, ayaa sheegay inaanay dowlad ahaan dani ugu jirin cadaawad dhexmarta dal-weynaha Shiinaha, balse ay xaq u leeyihiin inay xidhiidh la sameeyaan cid kasta oo danaynaysa xidhiidh dublomaasi iyo iskaashi dhexmara Somaliland.

“Taiwan waa dal aanu wax badan wadaagno, saaxiib aanu wax badan ka baranayno ayay noo tahay. Annagu cadow kuma nihin Shiinaha oo aanu doonayno inay fahmaan qadiyadda Somaliland,” sidaas ayuu madaxweynaha Somaliland u sheegay warbaainta TheWorld.org

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories