HomeSomaliland oo Daah-furtay Barnaamijkii u horreeyey ee Sahanka Caafimaadka iyo Xogta Shacabka

Somaliland oo Daah-furtay Barnaamijkii u horreeyey ee Sahanka Caafimaadka iyo Xogta Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daahfuay barnaamijka Sahanka Caafimaadka iyo Xogo ku saabsan Arrimaha bulshada ee Shacabka Somaliland oo markii u horeysay xukuumaddu ka samaysay dalka.

Munaasibad lagusoo bandhigayey Xog-ururinta laga sameeyey Qaybaha kala duwan ee bulshada dalka oo ku saabsan Caafimaadka iyo Arrimaha kale ee bulshada, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Bulshada.

blankWasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Cumar C. Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibada daahfurka sahanka caafimaadka iyo arimaha bulshada ee Somaliland ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay xogtani u leedahay dalka.

“Waa sahan aad u muhiim ah oo iftiiminaaya arrimo badan oo la xidhiidha Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha bulshada . kaasi oo xambaarsan xog balaadhan oo aynu u isticmaali doono arrimo kala duwan” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa soo jeediyey in xogta lagu qoro Afsoomaali si loo gaadhsiiyo bulshada Somaliland.

“Xogta in afsoomaali lagu qoro waa muhiim iyada oo la gelinayo Wargeysyada, Idaacadaha iyo Telefashinada, maalinba mawduuc si umadda loogu soo bandhigo si uu gobol walba u garto halka uu ku wanaagsan yahay ama ku liito,” sidaas ayuu yidhi Md Saylici.

Barnaamijkan lagu soo bandhigay Sahanka caafimaadka iyo Xogo kale oo la xidhiidha Arrimaha bulshada oo ay wada-jir u fuliyeen Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Qorshaynta Qaranka oo kaashanaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tirakoobka ee UNFPA, waxa maalgeliyey dalalka UK, Sweden, Finland iyo Midowga Yurub.

Barnaamijka oo loogu magac-daray “Somaliland Health and Demographic Survey, ayaa lagu soo bandhigay warbixin laga sameeyey si qoto-dheer u muujinaysa heerka adeegyada Caafimaad ee dalka iyo nolosha ay ku nool yihiin Dumarka iyo Carruurta ku dhaqan miyiga iyo magaalooyinkaba.

Xog-ururinta uu barnaamijkani xambaarsan yahay ayaa laga sameeyey in ka badan 20,000 qoys oo ku kala nool miyiga iyo magaalooyinka lixda gobol waaweyn ee dalka intii u dhaxaysay sannadihii 2018-kii ilaa 2019-lii, waxaanay warbixinta laga diyaariyey soo bandhigaysa xogo ku saabsan dhinacyada caafimaadka, tacliinta, guurka, dhalmada, shaqada, biyaha iyo fayo-dhowrka, kharashka adeegyada caafimaadka, Xannuunnada raaga iyo heerka nafaqada Haweenka iyo Carruurta.

Guji Halkan si aad ula soo degto Warbixin xambaarsan Xogta Sahanka ee maanta la daah-furay

Xogta ku duugan Sahanka, ayaa caawinaysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta Arrimaha Bulshada kala shaqeeya inay xog muhiim ah oo ku filan ka helaan heerka Caafimaadka iyo nolosha haweenka iyo carruurka reer Somaliland.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo daah-furka barnaamijka

 

[pdf id=81718]

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories