HomeSomaliland Oo Codsi Ay ku Dalbanayso Xubinimada Midowga Afrika u Gudbisay Dowladda...

Somaliland Oo Codsi Ay ku Dalbanayso Xubinimada Midowga Afrika u Gudbisay Dowladda Koonfur Africa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aqoonsi ay kaga mid noqoto Ururka Midowga Africa AU ka dalbatay Dawladda iyo xisbiga talada haya ee South Afrika.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay daabacay Warbaahinta Sunday Tribune ee dalka South Afrika, waxana ay iftiimiyeen in dalabkaasi ka dhashay intii uu socday kulan toddobaadkii hore ay Hargeysa ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka shirkadaha dawliga ah ee South Africa, Obed Bapela.

“Waxaanu nahay dalka kaliya ee xasiloon ee mandaqada ku yaalla, waxaanu ku naalloonaynaa nabadgelyo iyo xasilooni taam ah, iyadoo dawladnimadayaduna si buuxda u tahay mid dimuqraadiyad ku dhisan, iyadoo aanu leenahay doorashooyin qof iyo cod ku sallaysan,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin, waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxay dabaqdaa qiyamka caalamiga ah ee hirgelinta dimuqraadiyadda. Waxaanu leenahay nidaanka dawladaha hoose, iyadoo hoggaankayagana la doorto, waxaanu dabaqnaa heerarka caalamiga ah.”

Wasiirka Daakhiligu wuxuu intaas ku daray in ururrada Argagixisada ee ka jira dalalka jaarka ah, sida Soomaaliya aanay caqabadahaasi ka jirin Jamhuuriyadda Somaliland.
Warsidaha Sunday Tribune wuxuu xusay in Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, Madaxweynihii hore ee South Africa Mr. Thabo Mbeki uu dhaqaajiyay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, hase ahaatee muddo xileedkiisii la soo gaabiyay, wuxuuna wargeysku intaas ku daray in xisbiga talada haya ee ANC ay tahay inuu dib u bilaabo nidaamkii aqoonsi buuxa lagu siin lahaa Somaliland, si la mid ah sidii South Afrika hore ugu samaysay Galbeedka Saxaraha iyo Falastiiniyiinta.

Wasiir ku-xigeenka shirkadaha dawliga ah ee South Africa, Obed Bapela, ayaa sheegay in dadka reer Somaliland muddo badan sugayeen aqoonsi, isla markaana ay dawladooda gaadh siinayaan arrintaas, waxaanu yidhi “Ma sugi karno intaas wax ka badan muddo dheer ayay shacbiga Somaliland sugayeen aqoonsi. Waa in aanu fulinaa arrintaas haddii aan ahay hoggaamiyaha weftigan waxaanu xaqiijin doonaa in dalabka Somaliland gaadho hoggaanka dalkayaga, korna loo qaado xidhiidhka innaga dhexeeya.”

Waxa kaloo uu ku booriyay inay Somaliland samayso xeerarka maalgashiga si heshiisyo ay u galaan, si dalku u dhismo dhaqaalena u helo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories