HomeSomaliland oo Cashuur-dhaaf qayrul-caadi ah u soo bandhigtay Maalgashatada Caalamka

Somaliland oo Cashuur-dhaaf qayrul-caadi ah u soo bandhigtay Maalgashatada Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

WASIIRKA GANACSIGAHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Muuse Qaasim, ayaa sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso maal-gashi dibadeed oo waddanka laga sameeyo isla markaana ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u qorshaysay in cashuur la’aan ay ku hawl-galaan shirkadaha maalgashiga ka samaynaya dalka saddexda sannadood ee u horeeya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo khudbad ka jeedinayey maanta shirka Maalgashiga iyo Xidhiidhka ganacsi ee Somaliland oo ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in saddexda sanno ee u horreeya cashuur la’aan looga dhigayo ciddii maalgashi ku samaysa Somaliland, wixii intaa ka dambeeya saddexdaas sannadood boqolkiisa 50% laga dhimayo cashuurta ku waajibtay nooca maalgashi ee ay ka samaystaan dalka.

Shirka dhiirri-gelinta maalgashiga iyo xidhiidhka Ganacsiga oo ay iska kaashadeen labada dawladood ee Somaliland iyo Britain, waxa goob-joog ka ahaa isla markaana lagu soo marti-qaaday wufuud kala duwan oo ka socotay Shirkado caalami ah, ganacsato ajaanib ah iyo qaar muwaadiniin ah iyo wakiillo ka socday waddamada Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee Somaliland ka taageera dhinacyada horumarka iyo kobcinta adeegyada bulshaada.

“Somaliland waxay maal-gashatada u samaynaysaa cashuur dhaaf saddex sannadood ah. Saddexda ku xiganna waxaanu ka dhigaynaa 50 ah,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah.

Wasiirka oo la hadlayey ganacsatada iyo maalgashatada ka qayb-gashay shirka, waxa uu yidhi, “Maalgashigiinna ugu hura Somaliland nabadda ka jirta, dimuqraadiyadda iyo cashuur-dhaafka aanu dhiirri-gelinayno.”

Shirkan waxa dawladda Ingiriiska uga qayb-galay isla Wasiirka xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gargaarka Caalamiga ah, halka dhinaca Somaliland ay uga qayb-galeen madaxweyne Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsato ka socotay Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories