HomeSomaliland oo Caddeysay Mowqifka ay ka taagan tahay Xiisadaha Siyaasadeed ee ka...

Somaliland oo Caddeysay Mowqifka ay ka taagan tahay Xiisadaha Siyaasadeed ee ka aloosan Mandaqadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay marxaladda siyaasadeed ee ka taagan mandaqadda Geeska Afrika, mawqifkeeda ku waajahan go’aamadii laga soo saaray khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee Dawladda Soomaaliya saluugga ka muujisay.

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay sannadkan ka dhacaan dalka iyo go’aanka laga filayo Golaha Guurtida, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya aragtida Somaliland ee go’aamadii laga soo saaray khilaafkii u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabid, wuxuu hore u sheegay halkaynu dal ahaan ka taagan nahay arrimaha u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, dabcan sidaynu ognahay Guddi dhex dhexaadin ah ayaa loo magacaahay waxay isku hayaan, Guddiduna waxay isku hayaan ayey dib u eegtay, waxayna soo saartay qodobo ay Guddidu u arkaysay in wax lagu xalin karo, Kenya way ku qanacaday, waxayna ahayd in Soomaaliyana ku qanacdo, oo aanay waxyaabo aan jirin iyo dhaleecayn sheegin, maadaama ay markii horeba Gudidda kalsoonida siisay”.

Mar uu ka hadlayey xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika ayuu yidhi “Inagu Somaliland ahaan waxaynu mar walba ku baaqaynaa wanaag, wax kasta oo ku soo korodha Wadamada Geeska Afrika, Wadamada kale ee Afrika iyo Caalaamkaba, waxaynu jecel nahay inay noqoto wax u wada dan ah cid kasta, inaga Somaliland ahaana xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, iyo dalalka kale ee Caalamkaba, xidhiidhkaasina waxaanu jecel nahay inuu sii xoogaysto”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan sannadkan iyo go’aanka Guurtida ee maanta la sugayo ayaa yidhi “Hore ayuu Madaxweynaheena Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, ugu gudbiyey Golaha Guurtida inay ka soo tala bixiyaan go’aankana ka gadhaan Doorashooyinka, oo uu Komishanku muddayey, Xisbiyada iyo Xukuumadduna la qaateen, markaas waa ILLAAHAY mahadii mar haddii maanta aynu isku wada mawqif iyo isku wada aragti ka nahay arrimaheena Doorashooyinka, Golaha Guurtida oo Guddidu u saaray, oo aynu maanta filayno in Guddidaasi go’aan gaadho, waxaynu filaynaa oo aynu ku rajo weyn nahay in go’aan lagu wada farxo Guurtidu ku dhawaaqdo”.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay noqdaan shacab isku duuban, oo qaranimadooda ilaashada, kana fogaada wax kasta oo kala kaxaynaya, waxaanu kula taliyey inay meel kasta oo ay joogana ku muujiyaan qaranimadooda, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay siiyaan Ictiraafka iyo Aqoonsiga ay xaqa ugu leeyihiin, isagoo sheegay inay Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba mar diyaar u yihiin sidii ay Beesha Caalamka ugu qanci lahaayeen jiritaanka iyo sharcinimada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories