HomeSomaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay Garnaqsi Jawaab u ah Midowga...

Somaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay Garnaqsi Jawaab u ah Midowga Yurub oo Cambaareeyey Xukunno Qisaas ah oo la fuliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in aanat marna dawlad ahaan joojin, lana hakin in xukunnada dilka ah laga fuliyo gudaha dalka Somaliland.

Ururka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, ayaa si adag u cambaareeyey tallaabadii xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland xukunka qisaasta ah ugu fulisay lix gacan-ku-dhiigle oo lagu toogtay degmada Madheera toddobaadkan, waxaanna ururka EU-du sheegay in xukunkaas laga joojiyey sagaal sanno ka hor Somaliland, iyadoo dilka la fuliyey loo cuskaday Shareecada islaamka iyo xeerarka kala duwan ee dalka u yaal, iyadoo Ilaahay (SWT) qur’aanka kariimka ah ku caddeeyey in qisaastu ama xukunka dilka ah yahay shay bannaan haddii aanay dhinacyada ay khusayso ku heshiin inay mag kala qaataan.

SOMALILAND MAPHasayeeshee, war-saxaafadeed luuqadda Ingiriisiga ku qoran oo ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland shalay, ayaa lagu sheegay in aan xukunka dilka ah marna si rasmi ah loo joojin, lana hakin gudaha dalka Somaliland, kaasoo jawaab u ah baaqa Midawga Yurub ku cambaareeyey xukunka dilka ah ee la fuliyey 13 April 2015.

“Xukuumadda Somaliland waxay u halgantay, dedaal dheerna u gashay in la dhiso qaran dimuqraadi ah oo xasillooni iyo nabadgelyo buuxdaa ka jirto, kaasoo leh hannaan caddaalladeed iyo garsoor si xaq ah u shaqeeya, mana jirto meel uu abid dalka Somaliland si rasmi ah ugu joojiyey, una hakiyey xukunka dilka ah gudaha xadka waddankayaga. Dalkasta oo madaxbannaan, xorna ah   waxa uu xaq u leeyahay inuu horumariyo hannaanka caddaalladiisa, taasoo ay awood u siiyeen, kuna salaysan rabitaanka shacbigiisa.

Sidaas darteed, shaqada ama doorka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa weeye inay ku shaqayso, isla markaana fuliso shuruucda dalka u yaal,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland.

Waxa kaloo xukuumadda Somaliland sheegtay inay xil ka saaran yahay ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda u yaal dalkeeda, waxaanna war-saxaafadeedkaas lagu yidhi; “Jamhuuriyadda Somaliland waxay ixtiraamaysaa, isla markaana xushmaynaysaa waajibaadkeeda ay xaqa u leedahay, maadaama oo ay ka mid tahay beesha caalamkana, waxa ay ku dheggan tahay ilaalinta xuquuqal-insaanka iyo sharafta dadkayaga, sida lagu damaanad qaaday dastuurka iyo shuruucda kale ee Somaliland.”

Waxa kaloo dawladda Somaliland si weyn ugu mahadnaqday Midawga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah oo ay sheegtay inay taageero joogto ah u fidiyaan Somaliland, xidhiidh fiicana ka dhexeeyo, kaasoo ay xuseen inay si buuxda oo niyad-sami sare ah u tixgelinayaan.

Qur’aanka kariimka ah oo ah qawlka Ilaahay (SWT), gaar ahaan aayadaha 178 iyo 179 ee suuradda Al-baqra, ayaa lagu waajibiyey xukunka qisaasta ama dilka ah, iyadoo Allaah inoo caddeeyey in xukun dil ah lagu fuliyo qof si badheedh ah u dila qof kale marka laga reebo in qoyska ama ehelka cidda la dilay ogolaato inay magdhaw qaataan ama cafiyaan ruuxa dilka gaystay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories