HomeSomaliland Oo Beesha Caalamka Ku Wargelisay Go’aamo Laga Soo Saaaray Isticmaalka iyo...

Somaliland Oo Beesha Caalamka Ku Wargelisay Go’aamo Laga Soo Saaaray Isticmaalka iyo Maamulka Hawada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu tahay 29/02/2024 ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha Amniga Mandaqadda.

Tan iyo markii ay labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federal-ka Ethiopia, ay kala saxeexdeen 01.01.2024-ka heshiiskii is-afgarad, waxa ay dawladda Muqdisho qaadday dagaal qaawan oo ka dhan ah shacbiga reer Somaliland, kaddib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka waxa ay miciinsadeen inay iskaashi la sameeyaan kooxaha xag-jirka ah, sida Radio-ga ay maamusho dawladda Muqdisho uu ka sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax kale oo katirsan Soomaaliya.

Tallaabooyinka kale ee cadowtinimada ah ee ay qaadday dawladda Muqdisho waxa ka mida inay celiyeen diyaarad nooca gargaarka caafimaadka ah (Unbulance) oo dalka ka qaadaysay muwaadin xaalad caafimaad loogu qaadayey dalka dibeddiisa, taasoo marka loo eego sharciga caalamiga ah noqonaysa danbi ka dhan ah Binu-aadantinimada. Waxa kale oo ka mid ah in la beegsanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan deegaamada ay maamusho dawladda Muqdisho, dadkaas oo ay ka mid yihiin kuwo la dilay, kuwo la xidh-xidhay lana jidh dilay iyo kuwo la haddiday.

Golaha Wasiirradu isagoo ka yeeshay arrimahaasi dood iyo falanqayn dheer waxa uu go’aamiyey.

1. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay qarannimadeeda la soo noqotay waxay ku naaloonaysay nabadgelyo, iyadoo xidhiidh fiican la lahayad dawladaha deriska ah, waxaanay ka qayb-qaadatay in gobolka geeska Afrika uu nabadgelyo ku naaloodo, sidaa aawadeed dawladaha jaarka ah waxay u soo jeedinaysaa inay Somaliland kala qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasillooni kuwada noolaashanaha Geeska.

2. Golaha wasiirradu waxa usoo jeedinayaa Dawladda Soomaaliya inay ka waantowdo colaadaha ay abaabulayso ee Somaliland ka dhanka ah ee k u wajahan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dhulka ay maamusho, kuwaas oo ay ku waxyeelnayso magac dawladeed, in dadka Somaliland lagu waxyeelleeyaana hore ayey usoo martay oo xasuuq iyo dhibaato loogu geystay, sidaa awgeed, waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in dawladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta.

3. Maaddaama oo ay beesha caalamku ay quudiso ama masruufto Dawladda Muqdisho amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa aanu ugu baaqaynaa inay indho dheeraada u yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu beegsanayo muqdisho,

4. Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen.

5. Jamhuuriyadda Somaliland maddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa amarrada ay Dawladda Muqdisho ku khal-khal gelinayso Gaadiidka Cirka ee ay ugu danbeeyeen diyaaradihii Qatar Airways iyo Ethiopian Airline ee isku dhici gaadhay sida ay xaqiijiyeen Pilot-kii diyaarada Qatar Airways iyo maamulka labada shirkadoodba, taas oo ku timi amar qaldan iyo xilkasnimo-darro laga soo bixiyey magaalada Muqdisho ay sababtay, taas oo ay Somaliland cambaaraynayso.

7. Golaha Wasiirradu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xidhiidho Jamhuuriyadda Somaliland.

8. Golaha Wasiirradu wuxuu shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa siday u ilaashadaan qarannimadooda iyo wada-jirkooda isla markaana uga feejigan yihiin waxkasta oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland, waxa kale oo goluhu shacbiga ku bogaadinayaa tan iyo intii ka danbaysay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia in ay xaqiiqawday himiladoodii ahayd inay ka mid noqdaan beesha caalamka.

9. Golaha wasiirradu wuxu si adag ugu digayaa cid kasta oo faafinaysa, isla markaana dhiirrigelinaysa dhagaraha iyo dabinnada cadawgu u maleegayo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee leh Af, addin iyo qoraalba.

Ugu danbayntiina, Golaha Wasiirradu waxa ay dood iyo falanqayn dheer ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyadda Xeer Lr. Xx/2023 oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dalka horena loogu qaybiyey, kaas oo ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories