HomeSomaliland oo bayaamisay Abaaro iyo Macaluul dalkeeda ka jira wakhti Qaadhaan loo...

Somaliland oo bayaamisay Abaaro iyo Macaluul dalkeeda ka jira wakhti Qaadhaan loo ururinayo dadka Abaaraha Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargaysa (SLpost)- Guddida abaaraha Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay macaluul baahsani saamaysay dhammaanba gobollada dalka, isla markaana loo baahan yahay in si deg-deg ah gargaar loola soo gaadho, isla markaana waxay baaq u direen Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Samafalka.

Guddida abaaraha Qaranka Somaliland oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta magaalada Hargaysa ee Hay’adda ka hor-tagga masiibooyinka ee NERAD, ayaa ugu baaqay dhammaanba Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya caawimada in ay si deg-deg u caawiyaan dadkaasi. Shirkaas jaraa’id ee ay Guddida abaaruhu qabteen waxa goob-joog ka ahaa Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayli), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shirre, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Guddoomiyaha Hay’adda Nerad Maxamed Muuse Cawaale, Saraakiil ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen UNICEF.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayli), oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ay wakhtigan uga hadleen abaaraha ka jira Somaliland, waxaanu yidhi; “Baaqan aannu ka soo jeedinayno dhibaatada maanta ka taagan Somalilnad sida aynu la wada soconno maanta dhib adag ayaa ka taagan dalalka geeska Afrika oo aynu ka mid nahay haddii aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo aynu Roobkii gu’ga helnay qaybo ka mid ah, haddana sidii la rabay aanu Roobka Gu’gu innoo wada gaadhin, bishii hore ee dhammaatay badhtankeedii Guddi ayaannu u dirnay lixda gobol ee Somaliland si aannu xog-ogaal ugu noqonno dhibta jirta ha sii kala darnaatee, haddana gobol walba si ay inta u daran u soo ogaadaan meel walba wixii ka jira hadday xagga cuntada tahay, hadday xagga biyaha tahay iyo hadday xagga Xoolaha oo ka baxay tahayba.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlaya macluumaadka ay Guddigaasi lixda gobol iyo degmooyinkooda ay u kala direen soo ururiyeen, waxa uu yidhi; “Guddidaasi waxay soo ururisay annaga oo og hay’ado ahaan in idinkuna aad ka hawl gasheen oo aad soo qiimayseen xogta dhabta ah dhamaan deegaannada Somaliland annaga qudhayada ka dawlad ahaan xilkii na saarnaa waxaanu u dirnay kooxahaasi si aanu u oggaanno xog dhab ah, waxaa laga yaabaa xogtaasi in ay isku dhawaato ta aad idinkuna soo ururiseen maadaama labadeena qolaba aynu wax isku mid ah raadinaynay, ogtaasi waxaanu ku helnay xaqiiqada ah in laba boqol oo kun oo qoys oo dad reer Somaliland ah in ay dhibaatada abaartu taabatay.” “Kuwaasi oo lagu qiyaasi karo dad laba milyan iyo laba boqol oo kun ah, iyada oo aanu u kala qaybinay sida ay gobolada dalku u sii kala dhibaato badan yihiin, Labadaasi milyan waxaa si deg-deg ah wax ugu sii baahan shan iyo todobaatan kun oo qoys oo ka mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland mar uu ka hadlayay waxyaabaha keenay in Abaartu si aad ah u taabato dadka Somaliland waxa uu yidhi; “Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan sida aad la socotaan shidaalkii caalamka oo kor u kacay, cuntooyinkii oo aad u qaaliyoobay, Xoolihii oo dadkii ka dhammaaday oo ay awoodi waayeen in ay ka iibsamaan, dadkii oo daciifnimo badani ku dhacday waxay iibsanayeen oo ah cuntooyinkii oo aad u qaali garoobay taasi waxay keentay markaa in dad badan oo caruur u badan nafaqa daro ay ku dhacdo oo uu aad iyo aad ugu sareeyo gaar ahaan gobolada bariga iyo wixii buuralayda ka hooseeya ee xeebaha ah galbeed iyo bariba, guurd ahaan abaartaasi boqolkiiba shan iyo sodon (35%) ayay dhibaatadeedu taabatay dadwaynaha Somaliland.”

Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), waxa kale oo uu Hay’adaha Qaramada Midoobay u soo jeediyay haddii aan abaarta iyo macaluusha Somaliland ka jirta halka ay marayso aan lagaga hor tegin ay gaadhi doonto abaarta ku dhacay Soomaaliya oo kale, isaga oo xusay in ay Xukuumad ahaan wixii awooddooda ah wax ka qabanayaan. Madaxweyne ku-xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxa aannu maanta halkan u soo joogsannay in aannu idiinku dhawaaqno in deg-deg dhibaatadaa maanta taagan ee ah dhibaatadaa ay abaaruhu Somaliland kaga tegeen wax looga qabto si aan loo gaadhin macaluushaa maanta gaadhay qaybo ka mid ah Soomaaliya.” “Haddii aan halka ay maanta joogto lagaga hor tegin ay dhici doonto in ay macaluushaasi gaadho heer aad u sareeya, taasina ay ceeb ku noqon doonto Hay’adaha qaramada midoobay ee u qaabilsan in ay ka dadka caawiyaan, dhibaatadaa maanta taagan sidii halka ay joogto loogaga hor tegi lahaa, anagu ka dawlad ahaan wixii aanu qaban karno waanu qabanaynaa, idinkana haddii aad tihiin Hay’adaha dhamaantiinba haday caafimaad tahay, haday biyaha tahay, haday cuntada tahay indeg-deg dadkaa wax loola soo gaadho si aanya dhibaatda abaartu u sii balaadhan oo aanya u gaadhin halka Soomaaliya oo kale.” Ayuu yidhi Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaaqan Xukuumadda ka soo yeedhay, ayaa dad badan oo bulshada ka mid ahi is-weydiin karaan sidee ayuu saamayn ugu keeni karaa Dhaqaale ururintii caawimo ee Guddiga Xukuumaddu u saartay ay bishii u dambaysay ku guda jirtay ee lagu taakulaynayey Dadka Abaaraha iyo macaluushu aafeeyeen ee Koonfurta Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories